Qof ayaa ku dhintay meel u dhow maxaddada Metrooga Myllypuro kaddib markii uu galay Metrooga hoostiisa

Barta Twitterka booliska Helsinki ayaa lagu sheegay war sheegaya in qof ku dhintay meel ka fogeyn maxaddada metrooga ee Myllypuro kagadaal markii uu qofkaas dhintay hoos galay Metro socda.

Booliska iyo shaqaalaha gurmadka degdegga ah oo goobta gaaray ayaa korontada ka jaray dhabbaha danabaysan ee Metrooga, taas oo sababtay in uu socodka metroogu ka go’o muddo cayiman jihada Bariga Helsinki (Itäkeskus).

Booliska ayaa markii dambe shaaciyay in hawlgalkii u dhammaaday meydkiina meesha laga qaaday. Socodka gaadiidka ayaa dhanka kale si caadi ah u billowday.

Isha Warka: Booliska Helsinki

Xuquuqda sawirka: ALL OVER PRESS