Maxaad kala socotaa meesha uu marayo xeerka la doonayay in wax looga beddelo gawraca xoolaha ee diinta ku salaysan? MP Suldaan Said Ahmed oo ku guuleystay in sharciga gawricadda xoolaha aan laga saarin hab-raaca gawraca ee waafaqsan diimaha- sharciga oo dib loogu celiyay xukuumadda

Mauri Ratilainen / Compic / Eduskunta

Guddiga dastuurka ee baarlamaanka Finland oo war ka soo saaray xeerka la doonayay in wax looga beddelo hab-raaca gawraca xoolaha  ee diimaha waafaqsan.

Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Finland oo wax ka beddelista qodobka gawraca xoolaha- ee Hab-raaca gaarka ah ee gawricista xoolaha ee diinta ku salaysan war rasmi ah ka soo saaray.

Xukuumadda haatan talada heysa ee Finland ayaa kal hore baarlamaanka u soo gudbisay hindise sharciyeed ay doonaysay in wax looga beddelo qodobka quseeya hab-raaca la maro kolka xoolaha la gawracayo.

Soojeedinta xukuumadda ayaa ahayd, in markasta neefka xoolaha ah la miyir-tiro kahor inta aan dhiigga laga dhiijin yacni aan la gawricin.

Isbeddelka ay xukuumaddu dalbatay ayaa sidoo kale quseyn lahaa hab-raacyada diimaha u gaarka ah ee xoolaha loo gawraco iyo weliba habka ay shakhsiyaadka gaarka ah u gawracanayaan tusaale ahaan baalalleyda ama digaaga la dhaqdo.

Soojeedinta wax ka beddelista qodobkan ee ay xukuumaddu baarlamaanka u soo gudbisay ayaanay xukuumaddu u arkin mid saameyn ku yeelanaya baahida loo qabo hilibka xalaasha (Halal-liha) ee dalka iyo helitaankiisa. Hilibka Kosher ee idaha iyo lo’da ah ee la gawracay iyadoo aan la miyir-tirin waxaa illaa iyo hadda Finland looga keenayay dibadda.

Sida uu qabo sharciga badbaadada xooluhu, waxaa la oggolyahay, in marka sababo diimeed dartood xoolaha loo qalayo la raac hab-raaca gawricista ah ee neefka la qalayo iskumar la miyir-tirayo lana qalayo.

Balse waxaa farsamo ahaan adag, in iskumar neefka la miyir-tiro lana gawraco. Sababtaas darteed ayaa gawraca xoolaha ee diimaha la xiriira ee idaha iyo lo’da ah xittaa hadda loo sameeyaa qaab ah, in marka hore neefka la miyir-tiro kaddibna la gawraco.

Guddiga dastuurka ee baarlamaanka oo hindisaha xukuumaddu soo gudbisay ee ay Baarlamaanka uga doonaysay in wax looga beddelo qodobka quseeya hab-raaca gawraca xoolaha ee diimaha ku salaysan warbixin ka soo saaray ayaa qaabkan uga hadlay hindisahan:

Guddiga dastuurka ee baarlamaanku wuxuu u fahmay, in soojeedintan ay si dhab ah u quseyso mamnuucista hab-raaca gawraca xoolaha ee shechita ee la xiriira diinta Yuhuudda iyo hab-raaca gawraca xoolaha ee Xalaasha ah ee diinta Islaamka ku salaysan. Guddiga ayaa sidoo kale soo jeediyay in xeer-dejinta la soo jeediyay loo qiimeeyaa hab waafaqsan qodobka 11 § ee ka hadlaya xeerka ka degsan xorriyadda diinta. Sharcigaas ayaa qaba, in qof kasta uu xor u yahay diintiisa iyo damiirkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga dastuurka ee baalrmaanku wuxuu qabaa, in soojeedinta la soojeediyay, in la mamnuuco gawricista xoolaha ee ka horreysa miyir-tiridda neefka iyo sida ay u xadaynayso xorriyadda diinta ee lagu sugay qodobka 11aad ee dastuurka dalka aanay ahayn mid u dhiganta ama la jaanqaadi karta hadafka badbaadada xoolaha ee la doonayo in lagu gaaro sharci-dejintan la soo gudbiyay.

Guddiga dastuurka ee baarlamaanka Finland ayaa ugu dambeyntii soojeediyay, in guddiga beeraha iyo xannaanada xooluhu ay xeerkan la soojeediyay u beddelaan oo ka dhigaan mid si lamid ah xeerka hadda degsan u suuraggelinaya hab-raaca gawricista xoolaha ee gaarka ah ee waafaqsan xorriyadda ku dhaqanka diinta.

Haddii si kale loo dhigo, guddiga dastuurku waxay guddiga ku shaqada sharcigan ka dalbadeen in ay xisaabta ku darsadaan xuquuqda dastuuriga ah ee xoriyadda diinta la xiriira iyo in ay sharciga dib ugu laabtaan. Taas ayaa ka dhigan in sharcigi dib loo celiyay oo aanu baarlamaanku sida uu hadda u qoranyahay cod ugu qaadeyn.

”Hindisayaasha sharciyeed ee xukuumaddu waa in ay xushmeeyaan xorriyadda diinta. Waxaan taageersanahay nolowanaagga xoolha iyo xorriyadda diinta” Xildhibaan Suldaan Said Ahmed.

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo dadaal badan geliyay in xeerkan ay xukuumadda uu xisbigiisa ka tirsan wadato laguna doonayo in si gaar ah loogu mamnuuco gawraca xoolaha ee diinta Islaamka ku salaysan ayaa soo dhoweeyay warbixintan rasmiga ah ee ka soo baxday Guddiga dastuurka ee baarlamaanka Finalnd, warbixintaas oo ku saabsan Hab-raaca gaarka ah ee gawricista xoolaha ee diinta ku salaysan.

MP Suldaan ayaa si uu u gaaro hadafkiisa ah in gawrca xoolaha ee diinta Islaamka ku salaysan uu u sii jiro, xiriir iyo wadashaqeyn la sameeyay Culimada Muslimiinta ee dalka iyo jaaliyadda Yuhuudda.

Shiikh Sharmarke Aw-Musse oo ka mid ah culimada Muslimiinta ah ee sida weyn uga qaybqaaday difaacidda qadiyadda gawraca xoolaha ee diinta Islaamka ku salaysan ayaa uga mahadceliyay MP Suldaan Said Ahmed wakhtiga iyo juhdiga uu geliyay, in sharcigan aan wax laga beddelin oo ugu yaraan sidiisii hore loo daayo.

“Waxaan rajaynayaa, in ugu dambeynta aanu Baarlamaanka Finland ansixin sharciga ay xukuumaddu ku doonayso in ay  ku mamnuuca gawraca xoolaha ee waafaqsan tusaale ahaan Islaamka” Shiikh Sharmarke- Aw-Musse.

Dib u celinta xeerkan dib loogu celiyay xukuumadda ayaa waxaa sidoo kale qayb weyn ka qaadatay dadaal iyo galaangal siyaasadeed oo uu xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed ka dhex-sameeyay xildhibaannada ku jira baarlamaanka Finland, isagoona ka dhaadhiciyay xildhibaannadaas dhibaatada ka dhalan karta baalmaridda xuquuqda iyo xorriyadda diimeed ee dalka ka jirta.

Marka ay sharcigan dib u qiimeeyaan guddiga baarlamaanka u qaabilsan xannaanada xoolaha iyo beeraha ayaa waxaa la horkeenayaa fadhiga weyn ee baarlamaanka kaddibna cod ayaa loo qaadayaa.

Waxaa jira warar loo qaateen ah oo sheegaya, in haddii uu baarlamaanka Finland ansixiyo sharci mamnuucaya hilibka xalaasha ah uu Turkigu hor-itsaagi doono in Finland ay gaashaanbuurta NATO ku biirto

SSMV