Qaar ka mid ah xeebaha dabbaasha ee Magaalda Espoo oo la mamnuucay in lagu dabbaasho

Espoo 17.7.2020- Magaalda Espoo ayaa sheegtay in xeebaha dabbaasha ee Oitta iyo Laaksolahti lagu arkay wasakh ka dhalatay saxarada. Talaadadii la soo dhaafay ayeey magaaladu sheegtay in biyaha xeebahan dabbaasha laga helay wasakh ka dhalatay saxarada ama xaarka, sidaas darteedna aan illaa iyo amar dambe xeebahaas lagu dabbaalan karin.

Dadka ayeey magaaladu ka codsanaysaa in ay illaa iyo wakhti aan la cayimin iska ilaaliyaan ku dabbaalashada xeebaha Oitta iyo Laaksolahti.

Xagaagii hore ayaa waxaa magaalada Espoo dhib xooggan ku hayay ur ama qurun markii hore la garan waayay waxa keenaya, laakiin mardambe la ogaaday in ay sababeen biyo wasakh ah oo bey’ada ku shubmay.

Sawirka: länsiväylä

Xigasho: Iltalehti