Ra’iisal wasaare Petteri Orpo oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta sinnaanta iyo takoor la’aanta Finland iyo Imaam Sharmarke Said Aw-Musse oo ka qaybagalay

Kulanka miiska wareegsan ee Ra’iisal wasaaraha ee ku saabsan sinnaanta iyo takoor la’aanta Xuquuqda Sawirka: : Fanni Uusitalo, valtioneuvoston kanslia
Kulanka miiska wareegsan ee Ra’iisal wasaaraha ee ku saabsan sinnaanta iyo takoor la’aanta Xuquuqda Sawirka: : Fanni Uusitalo, valtioneuvoston kanslia

Xukuumadda Finland ayaa maanta hoolka shirarka ee xarunta dowladda ku qabatay wadahadlkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay xukuumadda Ra’iisal Wasaare Orpo la yeelato hawlwadeenno ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa lagu lafaguray sida ugu habboon ee wadajir looga shaqayn karo hirgelinta barnaamijka ay xukuumaddu diyaarisay islamarmaasna meelmarisay ee looga hortegayo sinnaan la’aanta iyo takoorka nidaamsan ee ragaadiday Finland.

Mowduuca kulankan sida gaarka ah looga dooday ayaa ku saasanaa nolosha shaqada oo ay ay muddo dheer ka jirtay takoor qaabaysan oo si gaar u saameeya dadka qaar, gaar ahaan dadka dalka u soo guuray iyo kuwa asal ahaan soo-galootiga ah.

Shiikh Sharmarke Said Aw-Musse, imaamka iyo Khatiibka masjidka As-Salam

ee Vantaa oo kulanka ku metelayay Muslimiinta Finland ayaa xukuumadda Finland u soo jeediyay talooyin wax weyn ka taraya hirgelinta qorshaha xukuumadda ee ku qornaa warbixintii ay xukuumaddu ka soo saartay sinnaan la’aanta, takoorka iyo cunsuriyadda kala qaybisay bulshada Finland ku dhaqan.

 

Imaam Sharmarke ayaa dhanka kale xukuumadda Finland gaarsiiyay farriin iyo talo ku saabsan qadiyadda Falastiin, gaar ahaan xaaladda Gaza. Imaamka ayaa xukuumadda Finland kula taliyay in ay ku biirto wadamada iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo xabadda iyo gulufka colaadeed ee galaaftay nolosha kummaan dad ah oo carruur iyo haween u badan ee ka socda Gaza, halkaas oo ay shacabka Gaza ku marayaan rafaad iyo dhibaato aan horay loo arag wakhtigan casriga ah.

Wadahadalkan ay xukuumadda Finland qabanqaabisay ayaa ku soo aadaya xilli suuqa shaqada ee Finland ay ka jirto takoor iyo sinnaan la’aan dhinaca shaqada ah. Shaqo joojin baahsan oo dhaqaalaha dalka cuuryaamisay ayaa sidoo kale hadda ka socota guud ahaan Finland.

Imaam Sharmarke ayaa sida muuqata ah imaamkii ugu horreeyay ee Finland ee si aan gambasha lahayn uga falceliya faallooyinka iyo hadallada gurracan ee Musliiminta iyo Diinta Islaamka ka dhanka ah. Waxaa kale oo Imaamku soo gudbiyaa qoraallo iyo warbixinno uu dadka ugu ifinayo Islaamka saxda ah, si ay meesha uga baxdo iskudayga ay dadka Islaamka necebka ku doonayaan in ay marin-habaabiyaan dadka aan diinta Islaamka aqoonta u lahayn.

Midowga Jaaliyadda Soomaaliyeed (Suomen somalilaistenliitto) ayaa dhanka kale kulanka ku meteleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland. Warka rasmiga ah ee ka soo baxay jaaliyadda lagu daabacay boggeeda Facebook kuna saabsan kulankan linkiga hoose ayaad ka akhrisan kartaa.

Sida ku cad warbixinno heer caalami iyo heer qaaradeed ah oo sannadihii u dambeeyay la soo saaray, Finland waxay safka hore uga jirtaa dalalka ay cunsuriyaddu saldhigtay. Dadka takoorka iyo cunsuriyadda uga ba’an la kulma ayaa ah dadka madowga ah ee Finland ku dhaqan.

Liiska dhinacyada ka qaybgalay kulanka ee na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:

Osallistujalistan mukaan nämä toimijat ovat mukana:

Akava

Arktiset maahanmuuttajat ry

As-Salam moskeija

Elinkeinoelämän keskusliitto EK

Espoon kaupunki

Etnisten suhteiden neuvottelukunta ETNO

Fem-R

Finnish Business and Society FiBS ry

Finnish Business Angel Network

Helsingin kaupunki

Ihmisoikeusliitto

Irakin Naisten yhdistys ry.

Jyväskylä yliopisto

Kuntaliitto

Mahdin Nuoret ry

Moniheli ry

Monika Naiset ry

Opetushallitus

Romaniasiain neuvottelukunta RONK

SAK ry

SAKKI ry

Sitra

S-ryhmä

Start-up Refugees

STTK ry

Suomen Romaniyhdistys ry

Suomen somalialaisten liitto ry

Suomen Yrittäjät

SYL ry

Tasa-arvoministeri Sanni Grahn-Laasonen

Terveyden ja hyvinvoinnin laitos

Vantaan kaupunki

Väestöliitto

Yeesi ry / Muudi -hanke

Yhdenvertaisuusvaltuutettu Kristina Stenman

Yhteiset Lapsemme ry

Xuquuqd sawirka:  Fanni Uusitalo, valtioneuvoston kanslia