Finland waxaa laga helay maanta 154 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 01.06.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 154 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 92 642 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 244 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 39 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 60 qof,  gobolka Pirkanmaa oo laga helay 24 qof, iyo gobolka Päijät-Häme oo laga helay 23 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 28
Tampere 20
Hämeenlinna 12
Lahti 10
Espoo 10
Vantaa 9
Hollola 8
Nurmijärvi 6
Forssa 5
Orimattila 5
Oulu 4
Jyväskylä 3
Janakkala 2
Riihimäki 2
Järvenpää 2
Vaasa 2
Kangasala 2
Lempäälä 2
Kirkkonummi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 92 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  17 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 956 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 7 624 oo qof, kuwaasoo 6 259 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 296 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 67,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 31.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 476 248 oo qof (01.06).

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS