Wararkii Feyruska korona iyo caalamka intiisa kela

Jarmalka oo tirada dadka laga helaayo feyruska korona ay sii kordheyso.

 Dalka Jarmalka waxa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska 785 qof oo cusub, sidaasna waxaa sheegay machadka Robert Koch.

Tan iyo intii uu socday cudurkaan safmarka ah waxaa dalka Jarmalka laga helay 241 771 xaaladood oo faafista xanuunka ah.

Sidoo kale afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay lix qof ayaa u dhimatay cudurka. Tirada guud ee u dhimashada feyruska korona waxaa ay dalka Jarmalka gaartay 9295 qof.

Hindiya oo tiradii ugu badneyd laga helay feyruska korona

Wasaaradda caafimaadka ee Hindiya ayaa sheegtay in dalkaas laga helay tiradii ugu badneyd ee hal maalin laga helo feyruska korona tan intii uu cudurkaan safmarka ah ka bilowday Hindiya. Tirada maanta la helay ayaa kor u dhaafaysa 79 000 oo qof.

In ka badan 63 000 qof ayaa u dhintay feyruska korona.

Tiradaas cusub ee aadka u badan waxaa la helay, maalin kaddib markii dawladda Hindiya ay dabcisay xayiraadihii feyruska korona ee hore dalka loogu soo rogay.

Waxaa la oggolaadaay isuimaatinka wixii boqol qof ka yar, haddii ay isticmaalayaan afshareerka, sidoo kale waxaa dib loo bilaabay raacitaanka gaadiidka metrooga.

Gobolka Victoriya ee dalka Austaraaliya oo muddo laba bilood ah tiradii ugu yareyd laga helay feyruska korona

Gobolka Victooriya waxaa sabtidii laga helay 94 xaaladood oo cusub oo faafista feyruska korona ah. Waana tiradii ugu yareyd muddo laba bilood ah.

Gobolka Victooriya oo ay ku nool yihiin 6.5 milya oo qof, waa gobol dadku ay ku badan yihiin, waana xarunta cudurka safmarka feyruska korona ee dalkaas Asutaraaliya.

Caasiamadda gobolkaas ee Melbourne waxaa ka jira xayirad aad u adag oo la xiriirta feyruska korona, taasoo socota toddobaadkii afaraad.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas Daniel Andrew ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in maalin walba oo istaariitijayadda la dejiyaa ay shaqeyso ay u tahay maalin wanaagsan, waxaana uu intaas raaciyay in loo baahan yahay in la helo waqti dheeraad ah oo arrinkaas wax lagaga qabto.

Ra’iisul wasaaruhu waxaa uu yiri ”waa in aan hubsanaa in aan cudurkaa ka guuleysanayno iyo inkale,  waana in aan xayiraadaha jira u qaadno si tartiib ah, deggan islamarkaana ammaan leh”.

Dalka Austaraaliya waxaa illaa iyo haatan feyruska laga helay 25 500 oo qof, waxaana u dhintay 601 qof.