Ogeysiis: Fadlan badbaadi dadkaada oo saxiix Codsi-wadareedkan

Kaddib markii ay muddo dheer soo noqnoqtay halista shilalka ee waddada isku xirta Suuqa Puhos iyo Dukaamada Itis ayaa waxaa lama huraan noqotay in la helo 1000 qofood oo saxiida Codsigaan lagu dalbanayo, in waddadaas la geliyo nalalka gaadiidka iyo dadka kala haga ee samaafaraha loo yaqaan.

Si aad u saxiixdo Codsi-wadareedkan dhag-sii halkan: Waxaa kuu soo baxaya boggan hoose oo kale. Ku qor macluumaadkaada meelaha loogu talaggalay kaddibna dhag-sii meesha ay ku qorantahay “allekirjoita”.

Bogga hore ee Codsi-wadareedka lagu dalbanayo in waddada Puhos iyp Itis isku xirta la geliyo nal baabuurta iyo dadka kala haga.

Markaas kaddib, gal iimaylkaadaa, waayo nidaamka ayaa farriin u diray iimalyka aad ku qortay barta loogu talaggalay in iimaylka lagu qoro. IImaylka waxaa la socda linkiga ay tahay in aad dhag-siiso, si uu saxiixaadu u dhammaystirmo.

Bogga 2aad ee Codsi-wadareedka lagu dalbanayo in waddada Puhos iyp Itis isku xirta la geliyo nal baabuurta iyo dadka kala haga.

Kolka aad saxiixa codsiga dhammaystirto waxaa kuu soo baxaya boggan sawirkiisu hoos ka muuqdo.

Bogga 3aad ee Codsi-wadareedka lagu dalbanayo in waddada Puhos iyo Itis isku xirta la geliyo nal baabuurta iyo dadka kala haga.

Habsami-socodka hawshan waxaa haatan wax laga weydiin karaa  Axmed Xasan Towxiid (Ahmed Hassan).

Fadlan aan si wadajir ah u qabanno hawshan lagu badbaadinyo dadka waddadaas mara oo dabcan adna aad ku jirto!

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir Ahmed Hassan