Dil ka dhacay Helsinki 19.4.2021, dad dilkaas loo qabtay iyo booliska oo billaabay baaritaan dilkaas la xiriira

Xuquuqda Sawirka: Mahad Sheikh Musse

Helsinki 20.4.2021- War laga soo saaray Qaybta booliska Helsinki ayaa lagu sheegay, in boolisku uu billaabay baaritaanka dil ka dhacay Maxadada tareenka ee bartamaha magaalada Helsinki. Booliska ayaa sheegay in dilkan oo dhacay habeenki Isniinta 19.4.2021 ay tuhunsan yihiin in ay ku lug leeyihiin dad aan qaangaar ahayn.

Warkan booliska ka soo baxay ayaa lagu sheegay, in Xarunta xaaladaha degdegga ah ay booliska ku soo wargelisay qiyaastii sagaalki habeennimo ee 19.4.2021, in dagaal u dhexeeya tobaneeye qofood oo u badan dad asalkoodu ajnabiga ah uu ka dhacay Maxadada tareenka ee bartamaha Helsinki. Dagaaalkan intii uu socday ayeey boolisku sheegeen in hal qof la dooxay oo mindi la geliay.

Booliska ayaa intaas ku daray in halkaas ay gaareen booliska ilaalada nabadgelyada oo badan, balse dhibanihi mindida la geliyay uu halkaas ku dhintay waxyar kaddib markii ay ilaaladii booliska ee ugu horreeysay ay goobta gaartay. Dhibanaha dhintay ayaa ahaa 24 sano jir.

Jukka Larkio oo hoggaaminaya baaritaankan ayaa sheegay, in si degdeg ah ay maxadada tareenka ee Malmi uga soo qabteen qaar kamid ah dadka dilkan lagu tuhunsan yahay, halkaas oo ay tareen u raaceen dhacdada kaddib.

Baaritaanka dhacdadan ayaa ah sida ay boolisku sheegeen mid billow ah oo hadda uun la dhaqaajiyay. Waxaa kale oo ay boolisku codsanayaan in ciddii goobta joogtay ee aragtay wixi dhacay ay booliska la soo xiriirto.

Isha warka. Qaybta boliska Helsinki