Finland waxaa laga helay maanta 548 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 3 dhimasho oo hor leh

 

Arbaca 17.02.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 548 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 51 595 qof. Waxaa toddobo maalmood gudahood ku darsantay 2 788 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 368 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 76 qof, gobolka Satakunta oo 40 qof laga helay iyo gobolka Etelä-Savo oo laga helay 19 qof.

Magaalada Tirada faafista cudurka Magaalada Tirada faafista cudurka
Helsinki 204 Kaarina 2
Vantaa 82 Lohja 2
Espoo 38 Sauvo 2
Turku 33 Tampere 2
Pori 23 Mäntsälä 2
Paimio 21 Sipoo 1
Mikkeli 18 Jokioinen 1
Järvenpää 11 Vihti 1
Rauma 11 Eura 1
Kauniainen 7 Kokkola 1
Kerava 7 Kolari 1
Tuusula 5 Mäntyharju 1
Lempäälä 5 Tervola 1
Nurmijärvi 5 Pälkäne 1
Salo 5 Marttila 1
Uusikaupunki 4 Lappeenranta 1
Joensuu 4 Hamina 1
Kouvola 4 Laukkaa 1
Laitila 3 Lahti 1
Pukkila 3 Seinäjöki 1
Suintio 2 Liminka 1
Loviisa 2 Vaasa 1
Rovaniemi 2 Kiuruvesi 1
Muhos 2 Loimaa 1
Raisio 2 Kannus 1
Pello 2 Ylivieska 1
Maarianhamina 2 Kankaanpää 1
Raahe 2 Somero 1
Huittinen 2 Alavus 1
Ulvila 2 Rusko 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof sida ay sheegtay hay’adda THL,  kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah, taasoo macnaheedu yahay in toddobo maalmood gudahood ay ku darsantay 14 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 723 qof, kaib markii ay hay’adda THL sheegtay dhimashada 3 qof oo hor leh maanta, waxaana toddobo maalmood gudahood ku darsantay tirada dhimashada 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 449 qof, kuwaasoo 427 ka id ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 22-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika

Dowladdu waxaa ay soo saartay saddex heer oo kala duwan oo feyruska cusub ee korona xaaladdiisa la xiriirta, si looga hortago faafistiisa. Finland waxaa ay haatan ku jirtaa heerka 1-aad. Heerka 2-aad waxaa la galayaa marka ugu yaraan kala badh gobollada dalku ay galaan heerka ugu sarreeya ee faafista feyruska. Marka la galo heerka saddexaad, waxaa ay dowladdu dalka gelinaysaa xaalad degdeg ah, waxaana la soo rogayaa bandow xagga socodka ah.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 229 558 qof (17.2).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       35 809 431     110 114 175
               812 329         2 431 597

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 28,381,220    63 398    1 787  499 991
2 Hindiya 10,937,106    11 795      109  155 949
3 Baraaziil   9,921,181    55 271    1 088  240 983
4 Ruushka   4,099,323    13 233       459    80 979
5 Ingiriiska   4,058,468    10 625       799  118 195
6 Faransiiska   3,489,129    19 590       410    82 812
7 Isbeyn   3,096,343    10 057       530    65 979
8 Talyaaniga   2,739,591    10 386       336    94 171
9 Turkey   2,602,034      7 906         90    27 652
10 Jarmalka   2,346,766      5 896        587    66 536
11 Kolombiya   2,202,598      4 049        163    57 949
12 Arjantiin   2,033,060      4 003        105    50 432
13 Meksiko   1,995,892      3 098        450  174 657
14 Poland   1,596,678      5 183        197    41 029
15 Iiraan   1,534,034      8 011          89    59 117
16 Konfur-Afrika   1,494,119      1 210        219    48 313
17 Ukriane   1,276,618     3 143        150    24 542
18 Peru   1,244,729      6 228        176    44 056
19 Indonesia   1,233,959    10 029        229    33 596
20 Czechia   1,099,836      8 890        229    18 519
21 Netherlands   1,034,795      2 701          86    14 929
Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS