Finland waxaa laga helay maanta 248 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 22.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 248 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 91 405 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 825 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay117 qof,  gobolka Kanta-Häme oo laga helay 35 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  laga helay 28qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 65
Espoo 17
Lahti 15
Hämeenlinna 14
Turku 14
Riihimäki 13
Järvenpää 9
Uusikaupunki 7
Porvoo 6
Vihti 5
Kokkola 5
Tampere 5
Janakkala 4
Janakkala 4
Orimattila 4
Lappeenranta 3
Maarianhamina 3
Pornainen 3
Jyväskylä 3
Kannus 3
Kotka 3
Loppi 2
Taivassalo 2
Akaa 2
Siuntio 2
Kitee 2
Rauma 2
Pori 2
Tuusula 2
Kuusamo 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 136 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  28 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 932 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 14 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 875 oo qof, kuwaasoo 5 639 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 194 waa nooca Koonfur-Afrika, Nooca Hindiga oo ah 40,  iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 267 023 oo qof (22.05).

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 166 854 295 52 489 753
Tirada u dhimatay feyruska 3 464 416 1 118 804

 

Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 781 892 48 591 290
Tirada u dhimatay feyruska  128 331 637 207

 

Qaaradda W/Amerika Qaaradda K/Amerika
Tirada feyruska laga helay 39 426 617 27 500 002
Tirada u dhimatay feyruska  883 553 748 445

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 26 285 069   254 395   4 143  295 508
Baraaziil 15,976,156     77 598    2 136  446 527
Arjantiin 3,482,512     35 468       692    73 391

 

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS