Noocyada cusub ee feyruska korona oo loo bixiyay magacyo cusub, si aanay u dhicin in cudurka lagu shaabbadeeyo dalalka lagu magacaabay feyrusyadaas

Arbaco 02.06. Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa dhowaan soo saartay liiska magacyo cusub oo loo bixiyay noocyada cusub ee kala duwan ee feyruska korona.

Waxaana laga bilaabo xilligaan ay hay’adda WHO ay u isticmaali doontaa magacyada feyrusyada, alifbeetada giriigga si ay sawir uga bixiyaan noocyada kala duwan ee feyruska.

Nooca Ingiriiska waxaa loo bixiyay Alfa

Nooca Koonfur-Afrika oo loo bixiyay Beeta

Nooca Baraaziil oo loo bixiyay Gamma

Nooca Hindiya oo loo bixiyay Delta

WHO sida ay sheegtay, sababta magacyadaan cusub loo siiyay feyrusyada inuu ahaa arrin iska caadi ah. Waxaa intaa dheer oo ay WHO sheegtay in sababta ugu weyn ee magacaas loo siiyay uu ahaa, si aan dalalkaas cudurka loogu shaabbadayn, oo magacyadii hore loo siiyay ee noocyada cusub ee feyruska aanay dhibaato ugu noqon dalalkaas.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ahaa dalalka sida aadka u daran uga cawday magaca dalka ee la siiyay feyruska korona.

Xigasho:warbaahimta Finland