Nooca cusub ee feyruska korona oo 61 xaaladood laga helay dalkan Finland

Sida ay shaaca ka qaadday hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga dalkan Finland ee THL, waxaa dalka Finland laga helay 61 xaaladood oo nooca cusub ee feyruska korona ah. 12 xaaladood oo kamid ah, kuwaasna waxaa la helay wixii ka dambeeyay Isniintii la soo dhaafay.

Noocan cusub ee feyruska oo markiisii ugu horaysay mid ka mid ah laga halay dalka Ingiriiska, laba nooc oo kalena dalka Koonfur-Afrika, ayaa ku faafay dalal badan oo adduunka kamid ah.

Noocan cusub ee feyruska korona ayaa xagga faafista ka dhakhso badan kii hore, hase yeeshee waxaa wali socda baaritaanno ku saabsan xagga khatarta feyruska inta ay le’eg tahay, sidoo kale illaa iyo haatan waxaa la xaqiijinayaa in aanay jirin wax tilmaamaya in noocan cusub ee feyrsuku uu adkaysi u leeyahay tallaalka ka hortagga feyruska korona iyo inkale.

Xigasho: YLE