Nin ka cararay baarayaasha tikidka oo ku dhex orday dhabbaha danabaysan (korontada leh) ee Metrooga

Helsinki 20.7.2020- Waxaa gebi ahaan muddo 15 daqiiqo ah istaagay isu-socodka gaadiidka Metrooga ee inta badan dhulka hoostiisa mara kaddib markii uu nin ka cararay baarayaasha tikidka uu dhex orday dhabbaha halista ah ee uu Metroogu maro, dhabbaahaas oo danabaysan.

Ninkan ayaa markii dambe la soo qabtay waxaana dib u furmay dhaqdhaqaaqa gaadiidka Metrooga oo ka xannibnaa maxadada Metrooga ee Sörnäinen, halkaas oo ah meesha uu ninkan uga cararay baarayaasha tikidka.

Dhacdadan oo dhacday gelinkii dambe ee Axadda (19.7.2020) ayaa baraha bulshada ka dhalisay su’aalo fara badan oo la xiriira sababta ninkan ku kalifi karta in uu naftiisa halis geliyo isagoo ka carayaya ganaaxa uu mutaysto qofka raaca gaadiidka dadweynaha isagoo aan wadan tikid shaqaynaya.

Xuquuqda sawirka: Hel.fi