Nin dhallinyaro ah oo geeriyooday kaddib markii uu tareen jiiray- Booliska oo dalbanaya in laga caawiyo aqoonsashada meydka ninkaas

Sawirku lama xiriiro dhacdada: -Xuquuqda Sawirka: Mohamed Ibrahim/SSMV- Sawork

Booliska ayaa sheegay, in nin dhallinyaro ah uu ku geeriyooday Reijola, Joensuu kaddib markii uu hoos-galay tareen.

Ninkan geeriyooday ayeey boolisku da’diisa ku sheegeen qiyaastii 20-30 sano jir uu qaab-dhismeedka yahay mid dhuuban.

Ninkan ayaa gashanaa markii uu dhimanayay koofiyad midabkeedu yahay dambas, jaakad koofiyad leh oo khafiif ah midabkeeduna uu yahay buluug tiqa yahay.

Waxaa kale oo ay boolisku sheegeen, in laga yaabo in uu ninkani watay baaskiilka noociisu yahay Jopo iyo in uu heystay telefoonka noociisu yahay Apple.

Booliska ayaa si gaar ah uga codsanaya dadka ninkan garanaya ama u malaynaya in ay garanayaan in ay la soo xiriiraan. Ciddii xog ka haysay ninkaas dhallinyarada ah waxay xogta u gudbin karaan Lambarkan 0295 415 232 ama iimaylka vihjeet.ita-suomi@poliisi.fi.

Xigasgi: Iltalehti