Finland waxaa laga helay maanta 400 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 4 dhimasho cusub ah.

Arbaco 14.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 400 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 82 964 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 5 512 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 68 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 231 qof,  gobolka Vaisianis-Suomi oo laga helay 49 qof. Sidoo kale gobolka Pirkanmaa waxaa  laga helay 42 qof iyo Päijät-Häme oo laga helay 20 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 98 Ilmajoki 2
Espoo 38 Pirkkala 2
Vantaa 37 Vesilahti 2
Tampere 30 Askola 2
Turku 21 Ylöjärvi 2
Lahti 17 Lohja 2
Kerava 15 Raisio 2
Tuusula 8 Siuntio 2
Nurmijärvi 8 Eura 2
Porvoo 8 Petäjävesi 2
Seinäjoki 7 Kangasala 2
Lappeenranta 6 Aura 2
Jyväskylä 6 Hankasalmi 1
Vihti 5 Kurikka 1
Oulu 5 Mikkeli 1
Raahe 4 Kirkonnummi 1
Kotka 4 Laihia 1
Kouvola 4 Kemiönsaari 1
Hollola 3 Sodankylä 1
Hyvinkää 3 Laitila 1
Masku 3 Joensuu 1
Naantali 3 Kaarina 1
Lempäälä 3 Järvenpää 1
Loimaa 3 Kauniainen 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 182 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  38 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 877 qof, kaddib markii ay THl sheegtay dhimashada 3qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 52qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 3 621 oo qof, kuwaasoo 3 261 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 359-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 190 340 oo qof (14.04).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

46 717 957

 

138 125 635

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

    1 005 227

 

 

2 974 950

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 32,007,784    77 720       819  577 179
2 Hindiya 13,871,321  185 248    1 026  172 115
3 Baraaziil 13,601,566    80 157    3 687  358 718
4 Faransiiska 5, 106,329    39 113       345    99 480
5 Ruushka  4,657,883      8 173       338  103 601
6 Ingiriiska  4,375,814      2 472         23  127 123
7 Turkey  3,962,760    59 187       273    34 455
8 Talyaaniga  3,793,033    13 447       476  115 088
9 Spain  3,376,548      6 292       100    76 625
10 Jarmalka  2,032,836    10 772       298    79 408
11 Poland  2,599,833    13 210       645    59 127
12 Arjantiin  2,579,000    27 001       217    58 174
13 Kolombiya 2,569,314    16 337         326    66 482
14 Mexico 2,281,840      1 627         364  209 702
15 Iiraan 2,118,212    24 760         291    65 005
16 Ukraine 1,872,785    11 680         457    37 758
17 Peru 1,659,707      6 387         259    55 489
18 Czechia 1,585,091      3 870           74    28 086
19 Indonesia 1,577,526      5 702          126    42 782
20 Koonfur-Afrika 1,559,960         847            67    53 423
21 Netherlands 1,364,025      6 685            31    16 822
22 Chile 1,088710      5 790            35    24 518
23 Canada 1,078,562      7 546            36     23 392
24 Romania 1,012,373      3 883           193     25 441

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS