Nin calool buuran oo looga shakisanyahay in uu Riihimäki ku kufsaday gabar aan qaangaarin

Booliska Häme ayaa sheegay in gabar aan qaangaarin shalay lagu kufsaday magaalada Riihimäki. Kufsigan aadka u daran ayaa shalay abbaare 17.15 ka dhacay waddada Kokonkatu oo u dhow Räiskylänkatu ee magaalada Riihimäki.

Booliska oo tilmaamo ka bixinayay ninka looga shakisanyahay in gabadhan yar kufsaday ayaa sheegay in uu dhererkiisu yahay qiyaastii 185 sentimitiri, timihiisu waa madow wuxuuna lahaa gar markaas oo baxay. Funaanad madow oo koofi leh ayuu kor ka xirnaa hoosna wuxuu ka xirnaa surwaal suufeed madow.

Waxaa kale oo ay boolisku sheegeen in ninkan la raadinayo uu uus ama calool buuranyahay islamarkaasna uu gashanaa faraantiyaal waaweyn.

Qofka falkan geystay wuxuu goobta falku ka dhacay ka baxay isagoo wata gaariga yar ee xamuulka lagu qaado oo midabkiisu yahay buluug qafiif ah.

Boolisku weli ma hayaan aqoonsiga rasmiga ah ee qofka dembigan looga shakisanyahay, sidaas darteed boolisku wuxuu codsanayaa in iimaylka hoose loogu soo diro wixii war iyo macluumaad ah ee arrintan ku saabsan: pitkakestoinentutkinta.kh.hame@poliisi.fi.

Xigasho: MTVUUTISET

Sawirka: Riihimaki.fi