Finland waxaa laga helay maanta 296 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 2 xaaladood oo dhimasho ah

Jimce 08.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 296 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 38 068 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 147 qof iyo Gobolka Varsinais-Suomi oo 49 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 66 qof, Turku: 38 qof, Espoo: 32 qof, Vantaa: 25 qof, Oulu: 23 qof, Kouvola: 8, Hämeenlinna: 7qof, Jyväskylä: 7 qof, Kotka, Porvo iyo Kerava: min 6 qof, Tampere iyo Vaasa: min 5 qof, Kemi, Maalahti, Järvenpää: min 3 qof, magaalooyinka kala ah naantali, Raisio, Siuntio, Raasepori, Lahti, Salo, Kitee, Hyvinkää, Parainen, Kuopio iyo Pitersaari: oo min 2 qof, iyo inta kale ee soo hartay oo min hal qof ah.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 186 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 32 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 586 qof, kaddib markii hay’adda THL ay sheegtay in maanta 2 qof oo hor leh ay u dhinteen feyruska korona.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

28 238 882    88 620 212
      607 005      1 909 018

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,4 milyan 279 154   4 207 374 197
2 Hindiya 10,4 milyan    18 106       234  150 606
3 Baraaziil 7,96 milyan    87 134   1 455  200 498
4 Ruushka 3,33 milyan    23 541        506    60 457
5 Ingiriiska 2,88 milyan    52 618     1 162    78 508
6 Faransiiska 2,72 milyan    21 703       276    66 841
7 Turkiga 2,29 milyan    12 171       194    22 264
8 Talyaaniga 2,20 milyan    18 020       414    77 291
9 Isbeyn 2,02 milyan    16 850       123    51 675
10 Jarmalka 1,86 milyan    28 100    1 059    39 258
11 Kolombiya 1,73 milyan    17 576       344    45 067
12 Arjantiin 1,69 milyan    13 835       146    44 122
13 Meksiko 1,47 milyan     13 345    1 165  129 987
14 Poland 1,35 milyan     12 027       187    30 242
15 Iiraan 1,27 milyan       6 360       103    55 933
16 K/Afrika 1,17 milyan     20 999       441    31 809
17 Ukriane 1,09 milyan       8 997       148    19 505
18 Peru 1,02 milyan       2 258         58    38 049

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS