Mudaaharaadyo iyo dagaallo ka dhacay Magaalada Malmo ee Sweden, kadib markii niman xagjir ah ay gubeen kitaabka Quraanka ah

Booliska dalka Sweden ayaa sheegay in rabshado gacan kahadal isu beddelay ay maalinkii Jimcaha ka dhaceen magaalada Malmo ee koonfurta dalka Sweden, kaddib markii boqolaal qof isugu soo baxeen cabasho ay ka muujinayaaen niman ka tirsan xagjirrada dhinaca siyaasadda ee Sweden oo goob fagaare ah ku gubay kitaabka Quraanka ah.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in mudaaharadayaashu ay booliska ku tuurayeen wax kasta oo ay gacantoodu soo qabato, sidoo kale waxaa ay gubeen shaagaga gawaarida, waxaana afhayeenku sheegay, in boolisku ay awoodi waayeen sidii ay xaaladda goobta ka jirtay u dejin lahaayeen, oo ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Warageyso ka soo baxa magaalada Malmo ayaa sheegay in magaalada Malmo ay ka dhaceen jimcihii la soo dhaafay munaasabado badan oo looga soo horjeedo islaamka, oo ay ka mid ahaayeen saddex nin oo meel fagaare ah ku gubay kitaabka quraanka kariimka ah.

Wargeyska afka dheer ee la yiraahdo Aftonpladet ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa sheegay in mudaaharaadyadaas looga soo horjeedo Islaamka ay bilowdeen, kaddib markii loo diiday ninka xagjirka ah ee xisibga mayalka adag ee Denmark ee la yiraahdo Rasmus Plauden, oggolaanshaha ah in uu ka qaybgalo shir lagu qabanaayay magaalada Malmo. Waxaana ninkaasi laga celiyay xuxuudka Sweden, isagoo dib loogu celiyay dalkiisa Denmark.

Xukuumadda dalka Sweden ayaa sheegtay in Palaudan oo ah nin lagu yaqaan inuu kiciyo shucuurta dadka muslimiinta ah, aan loo oggolayn in uu soo galo dalka Sweden muddo laba sano ah, waayo waa nin khatar ku ah maslaxadaha asaasiga ah ee mujtamaca.

Waxaana qorshuhu uu ahaa in ninkaas xagjirka ah uu ka qaybgalo mudaaharaad looga soo horjeedo islaamka oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Malmo, isagoo ku baaqay in la gubo kitaabka Quraanka ah.

NInkaa xagjirka ah ee la yiraahdo Palaudan oo ah qareen iyo nin aad uga ololeeya dhanka youtube-ka, waxaa uu hoggaamiyaa  iskudubaridka mudaaharaadyo ay dhowr qof kala soo qaybgalaan, kuwaasoo uu ku cabbirayo fikradiisa uu kaga soo horjeedo dadka islaamka ah ee u soo haajiraya dhulalka reer galbeedka, wuxuuna u arkaa in arrinkaas uu yahay islaameynta mujtamaca galbeedka.

Xigasho: Aljazeera