Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Korona ee Finland (Uusimmat tiedot korontilanteesta Suomessa somaliksi)

Helsinki 1.7.2020- Tirada guud ee kiisaska fayruska Korona ee baaritaanka shaybaarka lagu xaqiijiyay illaa iyo hadda waa 7236. Isbeddelku wuxuu ku saleysan yahay la socosho 7 maalmood ah, waxaana todobadaas maalmood ku korortay 69.

Waxaa isbitaalka lagu dabiibayaa 24 qofood halka qaybta gargaarka degegga ah ay ku jirto 4 qofood. Isbeddelku wuxuu ku saleysan yahay la socosho 7 maalmood.

Illaa iyo hadda waxaa dalka Finland laga diiwaangeliyay 328 qofood oo fayruska Korona u geeriyootay. Tiradan 1 kiis oo kaliya ayaa ku kordhay muddo 7 maalmood ah.

Xigasho: YLE/THL