MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismail Omar Geelle

Ergayga gaarka MP Suldaan Said Ahmed oo ku guda-jira safarkiisii shaqo ee saddexaad ee Geeska Afrika iyo Madxweynaha Jabuuti ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee Geeska Afrika, gaar ahaan nabadda iyo xasilloonidda deegaanka.

MP Suldaan ayaa madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta odaynimo ee uu ku leeyahay xasilinta Gobolka Geeska Afrika, sidaas si lamid ah ayuu Madaxweyne Geelle MP Suldaan uga mahadceliyay diblumaasiyaddiisa ku wajahan deegaanka ee illaa iyo hadda ku socoto hab hufan oo wax looga beddeli karo xaaladda siyaasadda, horumarka iyo nabadda Geeska Afrika.

Waxaa kale oo aad loo soo dhoweeyay Qunsuliyadda ah Finland ka furanayso dalka Jabuuti bisha 2aad (Febraayo) 1:deeda ee sannadkan 2023. Hawsha ay Qunsuliyaddan qabanayso ayaa waxaa ugu weyn arrimaha ganacsiga, taas oo kordhin doonta islamarkaasna xoojin doonta xiriirka Finland iyo Jabuuti iyo weliba guud ahaan Geeska Afrika.

Tallaabadan ay Finland Qunsuliyadda uga fureyso Jabuuti ayaa dhanka kale abuuri doonta jawi ganacsato badan oo Finland ah u saamaxaya fursado ay arrimo ganacsi iyo maalgashi ugu tagaan Geeska Afrika.

Tan iyo wixii ka dambeysay markii uu wasiirka arrimaha dibadda Finland u magacaabay MP Suldaan Said Ahmed in uu noqdo ergaygiisa gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ayaa waxaa xoogeystay xiriirka ay dowladda Finland la leedahay dalalka dhaca Geeska Afrika, waxaa kale oo sare loo qaaday taageerada ay dowladda Finland siiso dalalka ku yaal Geeska Afrika.

SSMV