Finland waxaa laga helay maanta 258 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo laba xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaca 07.07.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 258 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 97 049 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 51 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 66
Espoo 23
Vantaa 19
Turku 18
Lahti 12
Rovaniemi 8
Raisio 8
Tampere 8
Nurmijärvi 7
Kouvola 6
Kirkkonummi 5
Kuopio 5
Lappeenranta 3
Porvoo 3
Lieksa 3
Ylöjärvi 3
Jyväskylä 3
Hämeenlinna 3
Kemiönsaari 3
Imatra 2
Nokia 2
Kotka 2
Järvenpää 2
Vihti 2
Oulu 2
Rääkkylä 2
Salo 2
Orimattila 2
Lohja 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 43 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 6 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 976 qof, kaddib markii ay hay’adda THl shaaca ka qaadday in maanta ay dhinteen laba qof oo hor leh.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 9 579 oo qof, kuwaasoo 7 715 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 424 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 435 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 5 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 07.07).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 3 650 000 oo qof, labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 1 189 102 oo qof (07.07.).

Xigasho:YLE,HS