Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

 

Finland waxaa laga helay 109 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Isniin 2.11.2020 laga helay feyruska korona 109 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 16 400 qof.

Illaa iyo 21 magaalo oo ka mid ah dalkaan ayaa laga helay feyruska. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waa magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay isu darka guud 123 qof, gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 18qof ah iyo Kymenlaakso 10 qof ah.

Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska waxaa ay kala yihiin: Helsinki (26 qof), Espoo (26 Qof), Vantaa (15 qof),Turku (8 qof), Kouvola (4 qof), Lappeenranta (3 qof), Oulu (3 Qof), Kuopio (3 qof), Nurmijärvi (2 qof), Muurame (2 qof), Salo (2 qof), Kerava (2 qof), Porvoo (2 qof).

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 70 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 13 ka mid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Qaybta daryeelka ee caadiga 10 bukaan ayaa ku soo darsantay tiradii Jimcihii, qeybta xaaladda aadka u darana 3 bukaan ayaa ku soo kordhay.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtaty in hal qof oo cusub uu u dhintay feyruska korona dalkaan Finland, Taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 359 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

19 842 748 46 688 370
 

Tirada u dhimatay feyruska

      512 056   1 202 605
 

Tirada ka bogsatay

  7 624 588 31 095 106

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 9,47 milyan 71 321    399 236 471
2 Hindiya 8,22 milyan 46 441    493 122 642
3 Baraaziil 5,54 milyan 10 100    202 160 104
4 Ruushka 1,63  milyan 18 665    245    28 235
5 Faransiiska 1,41 milyan 46 290    231    37 019
6 Spain 1,26 milyan 25 595    239    35 878
7 Arjantiin 1,17 milyan   6 609    138    31 140
8 Kolombiya 1,08 milyan   9 137    201    31 515
9 Ingiriiska 1,03 milyan 23 254    162    46 717

Xigasho: YLE, Worldmeters.info