Midowga Yurub oo weli ku muransan dalalka ay dadkoodu u soo safri karaan Yurub Koronaha dartiis

Vantaa 28.6.2020- Safiirada Midowga Yurub oo saaray liis ay ku qoran yihiin 14 dal oo loo arko in ay ammaan yihiin marka laga eego dhanka cudurka Fayruska Korona.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow Midowga Yurub, waxay xubnaha Midowgu isku khilaafsan yihiin waddamada Yurub ka baxsan ee ay u oggolaanayaan in dadkoodu ay socdaal ku yimaada dalalka Yurub.

Wadahallado maalmo socday kaddib ayeey safiirada Midowga Yurub waxay Jimcihii 26.6.2020 soo saareen heshiis ay ku qoran yihiin 14 dal oo ah dalalka dadkooda loo oggolaan karo in ay Yurub soo galaan, liiskaas oo uu safiir walba u gudbinayo xukuumaddiisa si ay u soo hubiyaan.

Koroweeshiya oo ah Dalka haatan hoggaanka kaltanka ah ee Midowga Yurub haya ayaa dalbaday in degdeg looga soo aragti-celiyo liiskan ay ku qoran yihiin dalalka la damacsanyahay in dadkooda loo fasaxa u soo socdaalidda dalalka Midowga Yurub.

Wareegga aragti-celinta ah kaddib ayeey dalalka Midowga Yurub cod u qaadayaan liiskan ay safiiradoodu soo saareen.

Waddamada ammaanka ah marka laga eego dhinaca cudurka Safmarka ah ee Korona ee ku qoran liiska ka soo baxay Safiirada Midowga Yurub ayaa waxay kalayihiin Algeria, Australia, Canada, Georgia, Japan, Montenegro, Morocco, New Zealand, Rwanda, Serbia, South Korea, Thailand, Tunisia iyo Uruguay.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in Midowga Yurub uu diyaar u yahay in uu dadka safarka ah ee Shiinaha ka imaanaya u oggolaado soo gelidda waddamada Yurub haddii uu Shiinuhu dhankiisa ka oggolaado in Muwaadiniinta Midowga Yurub ay galaan Shiinaha.

Xubnaha Midowga Yurub qaarkood ayaa waxay u arkaan in waddan ammaan ah loo aqoonsado waddanka ay xaaladdiisa Korona la mid tahay ama ka fiicantahay xaaladda Koronaha ee waddamada Yurub. Aragtidan ayaa haddii la qaato haatan meesha ka saaraysaa Mareykanka, Kanada iyo Brasil.

Sawirka: Iltalehti