Maxkamadda caddaaladda adduunka oo soo afjartay sheegashadii Kenya ee badda Soomaaliya

Jaantuskan waa Screenshot laga qaaday go'aanka maxkamadda ICJ.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa maanta go’aamisay in kiiskii dacwadda badda ee ee Kenya ku andacoonaysay sheegsahada beenta ah ay ku guuleysatay Soomaaliya, waxaana maxkamaddu ay wax kama jiraan ka soo qaadday doodda ugu weyn ee Kenya oo aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Mowqifka Soomaaliya ayaa ahaa in xadeynta lagu saleeyo diilinta toosan ee ku asteysan xuduudda badda, iyadoo Kenya ay doonaysay in la raaco diilinta loolka ee dhanka waqooyi, dooddaas oo ay maxkamaddu waxba kama jiraan ka soo qaaday.

Soomaaliya ayaa kiisan geysay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ sannadkii 2014, muddo todobo sano ah oo dadka Soomaaliyeed sugayeen go’aanka maxkamadda ayaa gabagabdii go’aankaas waxaa ay maanta noqotay guul taariikhda galaysa oo u soo hoyatay ummadda soomaaliyeed.

Dhul-badeedka Kenya doonaysay in ay Soomaaliya ka qaadato ayaa lagu qiyaasaa 100, 000 KM oo isku wareeg ah oo kheyraad badan ka buuxo.

Wefdi sare oo ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta goob joog ka ahaa xarunta maxkamadda caalamiga ah ee xukunka arrinkaas looga dhawaaqay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Madaxtooyada Qaranka si toos ah ugala socday dhagaysiga xukunka kama dambaysta ah ee Maxkamadda ICJ ay ka soo saartay Kiiska dacwadda Baddeena.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay aqbashay go’aanka ay Maxkmadda ICJ maanta ka gaartay kiiska badda Soomaaliya ee Kenya doonaysay in ay boobka ku qaadato.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Kenya in ay aqbasho go’aanka Maxkamadda, islamarkaana iska deyso waxa uu ku tilmaamay boor isku qariska iyo carqaladeynta ay ku hayso baddeena. Wuxuuna intaa raaciyay inuu rajeynayo in xukunka Maxkamadda uu noqdo mid baal cusub u fura xiriirka labada dal, islamarkaana ay hadda kadib ku wada noolaadaan deris wanaag iyo is-ixtiraam.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale ayaa iyaguna si wadajir u daawaday xukunka Maxkamadda caddaaladda Adduunka (ICJ) ee arrinta la xiriiray kiiska dacwadda badda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ka hadlay guusha ay inta badan ka soo hoysay Soomaaliya kiiskii dacwada badda ee ay xukmisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Xasan Sheekh ayaa ahaa madaxweynihii go’aansaday inuu Kenya la tiigsado Maxkamadda ICJ, si uu uga difaaco isku daygii ay ku boobi laheyd baddeenna, go’aankaas oo maanta miro dhalay.

Xasan Sheekh maxamuud ayaa ugu horeyntii hambalyo u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in guusha weyn ay tahay mid ummadeed, una soo hooyatay umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaana uu ka digay in guusha kiiska dacwadda badda ay sheegato koox gaar ah ama shaqsiyaad gooni ah, aysanna habboonayn in la siyaasadeeyo.

Xigasho: Radio Muqdisho, Caasimadda.net