Liiska Baasaboorada ugu wanaagsan dunida oo la shaaciyay, Soomaaliya oo ku jirto kaalin dalal badan ka wanaagsan

Helsinki 8.7.2020- Sida ku cad Liiska ay soo saartay CNN Baasaboorka Finland ayaa haatan kaalinta afaraad kula jira Talyaaniga, Isbeyn iyo Luxemburg.

Halbeegga sameynta liiska loo isticmaalay waa isbarbardhig ku saleysan inta dal ee baasaboorka lagu geli karo iyadoo aan horay loo sii qaadan dal-kugal ama fiiso.

Baasaboorka Finland waxaa iyadoo aan horay fiiso loo sii qaadan lagu geli karaa sida ku cad liiska 188 dal.

Isbarbardhiggii sannadkii hore waxay Finland liiska uga jirtay kaalinta saddexaad, taas waxay ka dhigantahay in ay inyar hoos u dhacday.

Baasaboorka sannadan kaalinta koowaad ku jira waa baasaboorka Jabaan, kaalinta labaad waxaa ku jira Singapore saddexaadna waxaa ku wada jira  Jarmalka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa sida liiska ku xusan lagu geli karaa 33 dal, waxaana kaalintaas kula jira dalka Yemen.

Waxaa xusid mudan in baasaboorka Soomaaliya uu ku jiro kaalin ka wanaagsan kan dalka Bakistaan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistaan.

Xigasho: CNN

Sawirka: Yle

Sawirka: SONNA