Booliska Gobolka Häme oo sheegay in shilalka mootooyinku ay deegaankaas ku soo bateen

Hämeenlinna 24.6.2020- Aagga uu boolikska Häme qaabilsanyahay ayaa waxaa ka dhacay muddooyinkii ugu dambeeyay shilal mootooyin oo qaarkood ay aad u darnaayeen.

Booliska ayaa wuxuu shilalkan dhacay sabab uga dhigay xawaare xad-dhaaf ah oo mootooyinkaas lagu waday. Dhinaca kale, wadayaasha mootooyinka shilalka galay ayaa dhammaantood ahaa rag.

Waxaa kale oo ay booliska caddeeyeen in shilalka mootooyinka ee deegaanka Häme ka dhacay aan haatan si gaar ah loogu leexin karin dhallinyarada, sababtoo ah da’da ay jiraan dadka galay shilalkii ugu dambeeyay ayaa ah mid aad uga weyn da’da dhallinyarada. Taasi waxay ka dhigantahay in dhibaatooyinkan hadda dhacay aysan u gaar ahayn dhallinyarada.

Qaybta booliska Häme ayaa waxay wadayaasha mootooyinka ku boorinaysaa in ay taxaddaraan sharciyada waddooyinka ilaalinayaan.

Xilliga xagaaga oo ay hawado kululaato ayeey dad badan mootooyinka la soo baxaan, waxaana xusid mudan in dadka qaar ay wadjista mootooyinka ka dhigtaan hiwaayad ay wakhti badan geliyaan xilliyada ay hawadu fiicantahay.

Sawirka: IlTA-SANOMAT