Maxamed Axmed Bashiir oo ka warbixiyay Mashruuca Shabakadda Dhallinyarada (NUVE)

HELSINKI – Maxamed Axmed Bashiir ayaa Warbaahinta Soomaalida Finland (SSM) uga warbixiyay Mashruuca Shabakadda Dhallinyarada (NUVE) ee Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Suomen somalialaisten liitto)

Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Suomen Somalialaisten liitto) wuxuu hadda gacanta ku hayaa mashaariic ay ka mid yihiin kuwa wax looga qabanayo takoormidda iyo xaqjiroobidda dhallinayarada.

Warbaahinta Soomaalida Finland (Suomen Somali media) ayaa booqatay Xarunta Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland waxaana halkaas warbixintan ku siiyay Maxamed Axmed Bashiir oo ka shaqeeyay mashruuca Shabakadda Dhallinyarada (NUVE).

Maxamed wuxuu qaadaa-dhigayaa qaab-dhismeedka iyo waxqabadka mashruuca uu ka shaqeeyo, waxyaabaha ay dhallinyarada u qabtaan, qorshayaasha mustaqbalka u degsan, xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee Finland iyo arrimo kale oo bulshada dhexdeeda ka jira.

Ugu dambaynta wuxuu Axmed waano, talo iyo tusaalooyin waaya-aragnimo ku saleysan u soo jeedinayaa dhallinyarada, waalidiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee dalka Finland ku dhaqan.