Ma ogtahay in adigoo joogo Soomaaliya, Kenya iyo Uganda aad codkaada ka dhiiban karto doorashada baarlamaanka Finland ee sannadkan 2023?

Kuvituskuva vaaliuurnasta, uurna, vaalit, äänestys. Vaaliuurna-Hanne-Salonen-Eduskunta

War rasmi ah oo lagu daabacay bogga internetka ee safaaradda Finland ee Kenya, Soomaaliya, Uganda, Sechelles iyo Eritrea ayaa lagu sheegay, in muwaadiniinta Finnishka ah ee dalalkaas jooga ay ka qaybqaadan karaan codbixinta hore ee baarlamaanka Finland.

Maalinta rasmiga ah ee doorashada baarlamaanka Finland waa Axad 2.4.2023, laakiin wakhtigaas ka hor ayaa waxaa jira wakhti cayiman oo ay dadku codkooda si hordhac ah uga sii dhiiban karaan gudaha Finland iyo goobo badan oo dibadda ku yaal.

Jawadlka ay safaaraddu shaacisay ee ku saabsan codbixinta hordhaca ah ee baarlamaanka

Finland ayaa sidan u qoran:

Kenya waxaa si hordhac ah codka looga dhiiban karaa inta u dhexeysa 22.-25.3.2023, Soomaaliya 22.3.2023 iyo Uganda oo codka laga dhiiban karo 23.2.2023.

Goobaha ay codbixinta hordhaca ah ka dhacayso ee saddexdan dal ayaa kala ah:

 Muqdisho, Soomaaliya

Xerada diblumaasiyiinta Midowga Yurub

Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho

Telefoon: +254 20 375 0721

Wuxuu furan yahay: 22.03.2023, saacadda 10:00- 14:00

Nayroobi, Kenya

Safaaradda Finland

Eden Square, Block 3, 6th Fl, Greenway Lane, (off Westlands Rd.), 00100

Tel. +254 20 375 0721

Wuxuu furanyahay:

22.03. – 24.03.2023, Saacadda: 13:00 – 18:00, 25.03.2023, Saacadda: 10:00 – 15:00

Kampala, Uganda

Qunsuliyad-sharafeedka Finland

Plot 21 Nyonnyi Gardens Kololo

Telefoon: +254 20 375 0721

Wuxuu furanyahay: 23.03.2023, Saacadda: 13:00 – 20:00

Isha warka: Safaaradda Finland ee Kenya