Maxaad kala socotaa Maalinta Caalamiga ah ee Baabuur la’aanta oo sannad kasta la xuso 22:ka bisha sagaalaad (Sibteembar)?

Bas laamiga maraya- Abdi Musse SSMV

Maalinta Caalamiga ah ee Baabuur la’aanta ayaa ka dhalatay dhaqdhaqaaq sannadkii 1990 ka billowday qaaradda Yurub. Dhadhaqaaqan ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu soo jeesan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka gaadiidka oo xilligaas si xawli ah u kordhayay.

Waxaa kale oo hawlahaas looga gol-lahaa horumarinta gaadiidka dadweynaha oo la aaminsanaa welina la aaminsanyahay in lagu yaran karo dhiiqowga hawada ee qayb ahaan ka dhasha gaadiidka faraha badan ee duniada lagu isticmaalo.

Isticmaalka gaadiidka dadweynaha oo kordha iyo kan gaadiidka shakhsiga oo yaraada ayaa ka mid ah qorshayaasha la doonayo in lagu gaaro hiigsiyada iyo himilooyinka la xakamaynayo isbeddelka cimilada ee aadka looga welwelsanyahay.

Dalkan Finland waxaa maanta oo kale kordha isticmaalka gaadiidka dadweynaha waxaana magaalooyinka qaar ka jira qiima-dhimista lacagta gaadiidka lagu raaco iyo waxyaabo kale oo lagu soo jiidanayo rakaabka gaadiidka dadweynaha raaca.

Maamulka gaadiidka dadweynaha ee magaalada Kokkola ayaa maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee baabuur la’aanta (22.9.2023) ka dhigay gaadiidka dadweynaha lacag la’aan. Taas ayaa ka dhigan in gaadiidka dadweynaha ee magaalada Kokkola maanta lagu raacayo lacag la’aan.

Xeeldheerayaasha cilmiga bulshada iyo caafimaadka ayaa qaba in kordhinta isticmaalka gaadiidka dadweynaha iyo yaraynta isticmaalka gaadiidka shakhsiga ah ay ku jiraan faa’iidooyin caafimaad, dhaqaale, deegaanka iyo ammaan.

SSMV