Maxaad ka taqaan Xuska bartamaha xagaaga (Juhannus)?

Helsinki 20.6.2020- Maanta oo ku beegan 20.6.2020 ayaa sannadkan loo asteeyay in guud ahaan dalka Finland laga xuso xuska Bartamaha Xagaaga oo haddii aad ka eegto waxyaabaha xuskan ku jira aad moodayso in uu la ayni yahay dabshidka Soomaalida iyo Bad-galka.

Madasha dabbaaldegga xafladdan ayeey waagii hore dadku ku saadaashan jireen barwaaqo iyo beerta oo bislaata iyo nasiib guur oo wanaagsan.

Bogga InfoFinland.fi ayaa xuskan ka bixiyay sharraxaadan soo socota ”Xuska bartamaha xagaaga waxaa la xusaa dhammaadka bisha Juun. Xuska bartamaha xagaagu waa xafladda bartamaha xagaaga. Dad badan oo Finnish ah waxey xuskan jecelyihiin in ay ku qaataan cariishka xagaaga.”

Dadku waxay inta badan isugu soo baxaan xeebaha, wabiyada jiinkooda iyo harooyinka waa weyn waxayna halkaas ku shitaan tubaallo dab ah. Shidista tubaal dabeed weyn ayaa waxay ka mid tahay soo jireenka xuska bartamaha xagaaga ee Finnishka.

Dalalka ku yaal Waqooyiga Yurub oo ay Finland ku jirto ayaa xafladdan muddo dheer qabanayay waxayna taariikhdu soo warinaysaa in xittaa ay xusi jireen kahor diinta Kirishtanka.

Kaniisadda ayaa hadda arrintaas u beddeshay mid waafaqsan diinta Kirishtanka, waxaana xusid mudan in xittaa magaca hadda loo yaqaan ee Juhannus uu yahay magaca uu lahaa wadaad diimeed asalkiisu Yuhuudi ahaa oo lagu magacaabi jiray Johannes Kastaja.

Koonfurta Finland waxaa dhici karta in laga taago baallaha xuska bartamaha xagaaga. Waxaa kale oo la taagaa Calanka Finland illaa iyo inta ay xafladdan socoto.

Sawirka: Yle

Isha warka (qayb ahaan): www.infoFinland.fi