Finland waxaa laga helay maanta 422 qof oo uu ku dhacay feyruska korona ah

Sabti 03.04.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 422 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 79 094 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 7 971 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa 61 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 259 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 32 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 30 qof.  

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 112 Vaasa 3
Vantaa 52 Lieto 3
Espoo 36 Närpiö 3
Turku 22 Kerava 3
Tampere 19 Salo 3
Lahti 15 Ylöjärvi 3
Lappeenranta 12 Pori 2
Tuusula 12 Raasepori 2
Hyvinkää 8 Oulu 2
Kouvola 7 Sipoo 2
Porvoo 7 Pielavesi 2
Kouvola 7 Rautalampi 2
Joensuu 7 Imatra 2
Lohja 6 Mäntsälä 2
Kotka 5 Kajaani 2
Rauma 5 Polvijärvi 2
Nurmijärvi 5 Kokkola 2
Savonlinna 5 Varkaus 2
Järvenpää 5 Kirkkonummi 1
Hamina 5 Finström 1
Vihti 4 Valkeakoski 2
Pirkkala 4 Säkylä 2
Raisio 4 Lapinlahti 1
Eura 3 Pornainen 1

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 264 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  52 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 846 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 41 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 2 700 oo qof, kuwaasoo 2 474 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 225-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 971 827 oo qof (03.04)

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 

44 230 131

 

130 954 934

 

 

Tirada u dhimatay feyruska

 

 

964 154

 

 

2 853 007

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS