Maxaad ka ogtahay farqiga u dhexeeya tirada carruurta sannadkan 2020 ku dhalatay Finland iyo tiradii sannadkii 2019?

Helsinki 26.7.2020-Isbarbardhig lagu sameeyay tirada carruurta ee sannadkii hore xilligan oo kale dhalatay iyo tan sannadkan dhalatay ayaa muujinaysaa in uu jiro farqi muuqda oo labadaas xilli u dhexeeya.

Tirada carruurta dhalatay qaybta hore ee sannadkan 2020 ayaa waxay gaaraysaa 22886 cunug, tiradan ayaa 651 ka badan tahay tiradii sannadkii hore.

Carruurta ku dhalatay Finland Janaayo illaa iyo Juun 2020 ayaa waxay isugeyn gaaraysaa 22886, taas oo ka dhigan in sannadkan ay dalka u dhalatay carruur ka badan kuwii sannadkii hore xilligan oo kale dhalatay.

Khubarada baarta bulshada ayaa waxay dhankooda qabaan in sara-u-kaca dhalmadu uu sii soconayo illaa iyo dhammaadka sannadkan, inkastoo aanay sababta rasmiga ah ee arrintan keentay caddeynin.

Yaa badan dadka sannadkan dhashay iyo kuwa dhintay?

Inkastoo ay sannadkan dhasheen carruur ka badan kuwii sannadkii hore dhashay ayaa waxaa hadda jirta in Finland ay sannadkan ku dhinteen dad tiro ahaan ka badan kuwa ku dhashay. Tirada guud ee dalka Finland ku dhimatay Janaayo – Juun 2020 ayaa ah 27 615 qofood, tiradan ayaa 383 ka badan tiradii sannadkii hore ku dhimatay dalka Finland.

Isha warka: Talouselämä

Xuquuqda sawirka: Turun sanomat