Mashruuc ay dawladdu waddo oo wax looga beddelaayo nidaamkii qoys isukeenidda

Calanka Finland: Photo Mohamed Ibrahim

Wasaaradda arrimaha guduha ayaa dawladda u gudbisay talo soojeedin ah in wax laga beddelo xeerka ajaanibta. Ujeedada soo jeedintan ayaa ah in si buuxda loo hiregliyo xuquuqda nolosha qoyska ee la siiyay  badbaadada caalamiga ah ama sharciga bani’aadanimada.

Ujeeddadu waxay tahay sidoo kale in la hubiyo, in danta ilmaha ay tahay mid ka hirgalaysa dhanka xaaladaha qoys isukeenidda ee carruurta aan wali qaangaarin ee la siiyay badbaadada caalamiga ah.

Sharciga ajaanibta waa in wax laga beddelo, iyadoo gabi ahaanba meesha laga saaraayo shardigii ahaa, in uu damaanad qaadayo kaalmada nolosha ee xubinka qoyska qofka helay sharciga degganaanshaha caalamiga ah ama kumeelgaarka ah, xaaladaha qoyska lagu aasaasay ka hor inta uu qofka qoyskeenaha ah imaan Finland..

Ujeedada soo jeedinta ayaa ah in la horumariyo  hirgelinta danaha ilmaha ee xaaladaha ku saabsan qoys isukeenidda carruurta aan qaangaarin ee la siiyay badbaadada caalamiga ah, sidii uu Ilmaha haysta magangalyada caalamiga ah uu haatan ula noolaan lahaa waalidiintiisa.  Sidoo kale waa in laga taxadarraa in ilmaha aan loo isticmaalin aalad loogu soo galo dalkaan Finland.

Ujeedada soo jeedintaan ayaa sido kale mid hogatusaalaynaysa taariikhda soo gudbinta ee ilmaha aan wali qaangaarin ay sharciga degganaashaha ugu codsanayaan xubinka qoyska, sida uu dhigaayo nidaamka xal ka gaarista arrinkaan ee ay dhowaan gaartay maxkamadda Midowga Yurub. Waa in la hubsado in xuquuqda ilmaha ee nolosha qoysku ay tahay mid u hirgalaysa si caddaalad leh, caalami ahaan iyo inta la joogo waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Barnaamijka arrinkaan ku saabsan ee dowladdu ay waddo  waxaa kaloo lagu caddeeyay, in shardigii ahaa in kaalmada nolosha caadiga ah ee la doonayay qofka aan wali qaangaarinee reerkiisa loo keenayo, gabi ahaanba meesha laga saaro.

Xigasho:Wasaaradda Arrimaha gudaha

WQ: Abdirazak Sugulle