Carruurta iyo dhallinyarada reer Helsinki oo dugsiga kaddib la siinayo fursado hiwaayadeed oo lacag la’aan ah

Play ground in Espoo.

Helsinki 21.4.2021-Waxqabadka hannaanka Finland ee hiwaayad samaynta oo Helsinki ka billowday.

War lagu baahiyay bogga internetka ee magaalada Helsinki ayaa lagu sheegay, in 19.4.2021 uu magaalada Helsinki ka billowday waxqabad hiwaayadeed lagu hiigsanayo kordhinta caafimaadqabka carruurta iyo dhallinyarada. Waxqabadkan oo lagu magacaabo Harrastamisen Suomen malli  ayaa billowga hore ka billaabanayaa 21 dugsi oo Helsinki ku yaal.

Ujeedada laga leeyahay waxqabadkan ayaa lagu sheegay in ay tahay, in cunug iyo da’yar kasta loo suuraggeliyo dugsiga kaddib helitaanka hiwaayadda uu jecelyahay oo lacag la’aan, taas oo ay qabanqaabadeedu ka dhacayso gudaha dugsiga ama dugsiga agtiisa.Hannaanka Finland ee hiwaayad samayntu waa mashruuc ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada iyo Dhaqanka.

Magaalada Helsinki ayaa iyaduna wasaaradda ka heshay caawimaad hal malyan oo yuuro ah, lacagtaas ayaa loogu talaggalay in iyadoo loo sii marayo hannaanka mashruuca wasaaradda lagu taageero nololwanaagga carruurta iyo dhallinyatada.

Mashruucan ayaa ku soo aadaya xilli caasimadda dalka iyo magaalooyinka ood-wadaagta la ah ay ku soo badanayaan dhallinyaro qaab xaafad-xaafad iyo koox-koox ah u abaabulan uu dagaal dhiig ku daato ku dhexmaro goobo ay isku ballansadaan.

Isha warka: Magaalada Helsinki

Xuquuqda sawirka: SSMV