Magaalada Joensuu ee Bariga Finland oo lagu qabtay gaari ay saarnaayeen ku dhowaad 3000 oo gasac oo tubaako ah

Joensuu 5.7.2020 Dhallinyayo reer Joensuu ah oo labaatan sano jirya ah oo wata gaari ayeey boolisku qabteen kaddib markii uu wadaha gaarigaas ku socday xawaare aad uga badan kan waddada ay marayeen loo oggolaa.

Xawaaraha waddadaas loo oggolyahay ayaa ah 80 KM saacaddi, laakiin gaarigaas ayaa ku socday sida ay boolisku sheegeen 125 KM saacaddii. Booliska ayaa joojiyay gaariga kaddibna waxay si lama filaan ah gaariga uga heleen ku dhowaad 3000 oo gasac oo ay ku jirto shiiko ama tubaako.

Dhallinyaradan gaariga wadataday ayeey boolisku sheegeen in looga shakisan yahay in ay galeen dembiyada kala ah khiyaanada canshuurta halis gelin ammaanka jidadka.

Shiikadan ama tubaakadan faraha badan ee dhallinyaradan lagu qabtay ayeey boolisku sheegeen in ay haatan raad-gurayaan halka laga keenay, qiimaha suuqa madow ee tubaakadan ayaa gaaraya 10,000 oo yuuro.

Dhallinyaradan ayaa hadda ku jira xabsiga booliska waxaana ku socda sida booliska laga soo xigtay baaritaan la xiriira xamuulkan aan la oggoleyn in dalkan la soo geliyo meesha ay ka keeneen iyo sababta ay u keeneen.

Waxaa kale oo xusid mudan in ka ganacsiga tubaakada noocan ah ay dalkan Finland mamnuuc ka tahay halka dalka Iswiidhan oo Finland la jaar ah aanay mamnuuc ka ahayn.

Sawirka iyo isha warka: ILTALEHTI