Magaalada Espoo oo billowday qaybinta af-shareer lacag la’aan ah–Hoos ka aqri goobaha lagu qaybinayo iyo dadka loogu talaggalay

Xuuqda sawirkan waxaa leh magaalada Espoo

Espoo 21.8.2020- War rasmi ah oo ka soo baxay maamulka magaalada Espoo laguna daabacay barta ay magaaladu Internetka ku leedahay ayaa lagu sheegay in Espoo ay billowday qaybinta af-shareer lacag la a’aan ah.

Af-shareerka lacag la’aanta ah ayeey magaaladu sheegtay in loogu talaggalay dadka aan awoodin in ay jeebkooda ka soo gataan.

Warku wuxuu intaas ku sii darayaa in qofkiiba la siinayo 20 af-shareer oo ah kuwa halka mar la isticmaalo iyo 4 af-shareer oo maro ama good ka samaysan, kuwaas oo dib loo isticmaali karo.

Waxaa kale oo ay magaaladu sheegaysaa in qaybinta af-shareerka ay ka billowday 17.8.2020 goobaha hoose ku qoran:

Xuuuqda sawirkan waxaa leh Helsingin sanomat

Goobaha lagu qaybinayo

Espoon keskus

  • Hyvä Arki ry,Siltakuja 3 B, Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa 9–13
  • Manna Apu ry,Tuomarilantie 19, Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa 9–13

Espoonlahti:

  • Kivenkolo,Merisaapas 1 A, Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa klo 9–15

Leppävaara:

  • Espoon sosiaalipalvelutoimisto,Komentajankatu 5 C, Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa 9−15
  • Raitin Pysäkki,Konstaapelinkatu 1 A, Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa 10−14

Matinkylä:

  • Espoon Maahanmuuttajapalvelut,Pyyntitie 3, Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa 9–15
  • Espoon Ankkuri,Matinkartanontie 16 B, Isniin–Khamiis saacadda u dhexeysa 9–12

Tapiola:

  • EJYn Kansalaistoiminnankeskus,Kauppamiehentie 6, Isniin–Jimco saacadda u dhexeysa 10–15

 

Isha warka: Magaalada Espoo

Xuquuqda sawirka 1aad Magaalada Espoo

Xuquuqda sawirka 2aad: Helsingin sanomat