Madaxweyne Cali Mahdi (Allaha u naxariistee) oo aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi maxamed oo aas Qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho. Sawirka: Villa Somalia

Waxaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo khamiistii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Salaada Jinaasada marxuumka oo lagu tukaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda ugu sareysa dalka oo uu ka mid yahay madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble, guddoomiyayaasha labada aqal ee baarlamaanka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale.

Cali Mahdi ayaa ahaa madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 1991kii,  waxaana uu Allaha u naxariistee Cali Mahdi Maxamed talada dalka wareejiyay sanadkii 2000-kii, kaddib shirkii ka dhacay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, kaasoo madaxweyne loogu doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan oo hadda ku dhaqan dalka Masar.

Bahda warbaahinta SSM waxaa ay tacsi u dirayaan, ehelladii, qaraabadii Allaha u naxariistee Madaxweyne Cali Mahdi iyo dhammaan umadda soomaaliyed, iyagoo Allaah uga baryaaya in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.