Madaxweynaha Yukreyn Zelenskyi oo shil baabuur galay- Madaxweyuhu dhaawac daran ma qabo

KUVA: SSMV

Madaxweynaha Yukreyn (Ukraina) Volodymyr Zelenskyi ayaa xilli dambe oo habeenki Khamiistu soo geleysay ah shil gaari ku galay magaalada Kiev ee caasimadda dalkaas.

Afhayeenka madaxweyaha Serhii Nykyforov ayaa saaka aroortii (khamiis 15.9.2022) bartiisa Facebook ku soo qoray warka ku saabsan shilka uu madaxweynuhu galay. Afhayeenka ayaa intaas ku daray in madaxweynuhu aanu dhaawac daran qabi.

– Dhaktar ayaa madaxweynaha baaray wax dhaawac ah oo daranna lagama helin;-  ayuu afhayeenku hadalkiisa sii raaciyay.

Nykyforov  ayaa intaas ku daran, in shilku uu dhacay kaddib markii uu gaariga madaxweynuhu ku dhacay gaari shacab oo caad ah. Gawaarida madaxweynaha gelbinaysay ama la socotay ayaa iyaguna shilka galay.

Saraakiisha Yukreyn ee loo xilsaaray baaritaanka shilkan ayaa sida la soo werinayo hadda gacanta ku haya baaritaan la xiriira sababta shilka keentay.

Madaxweynaha ayaa dhowaan ka soo laabtay Harkova, kaddib markii uu booqasho kedis ah ku tegay Izjumi oo dhowaan gacanta Ruushka ka baxday.

Xigasho: Iltalehti