Maamulka Canshuuraha oo sheegay in maanta ay tahay maalinta ugu dambaysa ee ay sugayaan in loo soo gudbiyo  akoonnada bangiyada

Vantaa 27.7.2020- Maanta oo Isniin ah kuna beegan 27.7.2020 ayeey maamulka canshuuraha Finland u qabteen dadka lacagi uga soo laabanayso Maamulka Canshuuraha in ay ku soo gubiyaan lambarka akoonkooda bangiga.

Warkii ugu dambeeyay ee laga soo weriyay Maamulka Canshuuraha maanta barqadii ayaa sheegayay in weli ay ka maqanyihiin akoonnada dad gaaraya 30, 000 oo qofood, kuwaas oo kamid ah macamiisha uu maamulka canshuuruhu sannadkan u soo celinayo lacagaha dheeraadka ah ee ay sannadkii tegay canshuur ahaan u bixiyaan.

Sannadkan 2020 wuxuu maamulka canshuuruhu dadka xaqa u leh in lacag loo soo celiyo u soo celinayaa 4:ta Agoosto. Dadka aan maamulka canshuuraha u gudbin lambarka akoonkooda bangiga ayaa waxaa lacagtooda loo dirayaa bangiyada, kuwaas oo iyaguna wargelinta soo-doonashada lacagaha u sii diraya macaamiishka ay lacagtu ku socoto.

Sannad kasta wuxuu maamulka canshuuruhu macaamiisha u diraa xisaab-celin ku saabsan canshuurta ay sannadkii hore bixiyeen, waxaana xisaab-celintaas ka dhalan kara in qofka macaamilka ah lacag loo soo celiyo, lacag lagu yeesho ama aan waxna lagu yeelin waxna loo soo celin.

Isha warka iyo xuquuqda sawirka: verohallinto