Ma ogtahay in saddexdii degmo ee Finland ku taal ay hal degmo hoggaamiso qof dumar ah?

KUVA: SSMV

Gungaar uu sameeyay war-sidaha Uutissuomalainen ayaa waxaa ka soo baxday natiijo muujinaysa baaxadda awoodda hoggaamineed ee ay dumarku ku leeyihiin dalka Finland.

Madaxa cilmi-baarista ee Ururka Degmooyinka Finland Marianne Pekola-Sjöblom ayaa Uutissuomalainen u sheegtay, in tirada hoggaamiyayaasha degmooyinka ee lagu doortay doorashadii hore ay haweenku ka haayeen 39%.

Sida ku cad gungaarka uu war-siduhu sameeyay, haweenku waxay hoggaamiyayaasha haatan degmooyinka hoggaamiya ka yihiin 31%. Saddex sano kahor qaybta haweenka ee hoggaanka degmooyinku waxay ahayd 21%.

Waxaa kale oo iyaduna xusid mudan in Wakiillada Golayaasha Deegaanka ee doorashooyinkii degmooyinka ee sannadkii hore ka dhacay lagu doortay ay dumarku ka ahaayeen inka badan 40%.

Dhanka kale Xukuumadda Finland ee isbahaysiga ah ayaa waxaa ra’iisal wasaare ka ah Sanna Marin (36 sano jir) oo ah haweeneey aad u dhallinyar marka la barbardhigo haweenka dunida hadda hoggaamiya ama kuwii horay u soo hoggaamiyay.

Isha warka: Uutissuomalainen