Ma doonaysaa in aad raad ku reebto bey’ada Finland? Kaalay ka qaybqaado munaasabadda geedo tallaalista ah ee ka dhacaysa Beerta Dhexe ee Helsinki (Helsingin Keskuspuisto) 31.5.2022

Kuva/Abdi Musse Mohamud

Beerta dhexe ee Helsinki (Helsingin Keskuspuisto) ayaa todobaadka dambe (31.5.2022, 14-16 saac) lagu tallaalayaa geedo. Munaasabaddan geedo-tallaalka ah oo ay iska kaashanayaan Dalladda Moniheli oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 100 urur, magalaada Helsinki iyo Ururka Macallimiinta Helsinki ayaa waxaa si gaar ah loogu talaggalay dadka dalka u soo guuray, si loo siiyo fursad ay raadkooda ugu reebaan bey’ada Finnishka.

Dhanka kale tallaalka geeduhu waa astaan muujinaysa ku xididdaysashada uu qofku ku xididdeysanaayo dalkiisa cusub ee uu u soo guuray.

Bey’ada ayaa dad badan oo Finnish ah u ah goob ay jecelyihiin oo muhiim u ah, sidaas darteed ayeey barashada bey’ada Finnishku muhiimad u leedahay habsami-socodka laqabsashada Finland.

Munaasabaddan oo dad badan aad u soo jiidatay ayaad ka qaybgalkeeda isaga diiwaangelin kartaa cinwaanka hoose:

https://moniheli.fi/tapahtuma/puunistutus/

Fadlan ka gaar oo yaan lagaa dhammaysan geedaha la tallaalayo oo ay tiradoodu cayimantahay.

Kuva/Abdi Musse Mohamud

Waxaa la isugu imaanayaa Keskuspuisto oo ku taal Dhanka Galbeedka ee waddada Metsäläntie (Helsinki) Talaadada 31.5.2022 saacaddu marka ay tahay 14-16 (2:da illaa iyo 4:ta galabnimo).