Furiinka lammaanaha is qaba ee magaalada Helsinki oo hoos u dhacay xilligii xagaaga ee Korona

Magaalada Helsinki waxaa xagaagaan la soo dhaafay maxkamadda laga dalbaday furiin ka yar intii sannadkii hore.

Sida ay sheegeyso warbixin laga helay maxkamadda hoose ee magaalada Helsinki, waxaa mudadii u dhexeysay bilihii Juun-Luulyo maxkamadda la dhigay 216 dalab oo furiin ah, halka isla bilahaas sannadkii la soo dhaafay dalabka furiirnku uu ka ahaa 397.

Khabiir ka tirsan ururka xiriirka qoyska iyo lammaanaha isqaba ee Väestöliitto oo la yiraahdo Minna Jaakkola ayaa sheegtay, in hoos u dhaca ku yimid dalabka furriinka iyadoo lagu jiro xaaladdaan aan caadiga aheyn ay tahay arrin la yaab leh, laakiin haddana waa arrin wanaagsan ayay tiri.

Arinta aadka u wanaagsan waxaa weeye ayay tiri khabiiraddu, in xiriirka isu soo dhawaanshaha  qoyska xilligan aan caadiga aheyn ee ay waqtigooda ku wada qaadanayaan, uu xoojiyay xiriirka lammaanaha. Xaaladdan aan caadiga aheyn ee lagu jiro ayaana arrinkaas keentay.

Dhinaca kale ayay tiri Jaakola waxaa dhici karta in sababta furriinku uu hoos ugu dhacay ay tahay, in xaaladdaan adag ee lagu jiro darteed ay keentay in aan la qaadan go’aan aad u weyn oo qoyska saameyn ku yeelanaya.

Isha Warka: Yle