Ma doonaysaa in aad hesho tababar kaa caawiya sidii aad ugu biiri lahayd Akadeemiyada Booliska Finland?

Xuquuqda sawirka: SSMV

Xarunta Maamulka Deegaanka iyo Xafiiska Shaqada iyo Meherada ee Gobolka Uusimaa ayaa waxay Helsinki ku qabanqaabinayaan kooras diyaarin ah oo loogu talagalay dadka Finnishka ah ee afafka qalaad ku hadla (asal ahaan dalka u soo guuray) ee doonaya in ay mustaqbalka ku biiraan Jaamacadda Booliska Finland.

Kooraskan ayaa 4 bilood soconaya waxaana loogu talagglay dadka ku hadla afafka qalaad ee Finnishka ah.

Ujeedadda laga leeyahay tababarkan ayaa ah in ardayga doonaya in uu galo imtixaanka ku biirista Jaamacadda booliska Finland uu ka helo aqoonta looga baahanyahay si uu ugu gudbo ama baaso imtixaanka gelitaanka Jaamacadda Booliska Finland.

Waxaa jirta baahi muuqata oo loo qabo in ciidamada booliska Finland ay ku biiraan dad Finnish ah, laakiin asal ahaan dalka u soo guuray ama ka soo jeeda dad dalka u soo guuray.

Codsiga waxbarashadan tababarka ah waa mid hadda furan waxbarashada rasmiga ahna waxay billaabanaysaa dhammaadka bisha Janaayo 2022.

Si aad wax badan uga ogaato islamarkaasna u codsado waxbarashadan tababarka ah, riix halkan.

SSMV