Lacagta lagu ganaaxo dadka tikid la’aan raaca gaadiidka dadweynaha ee Soonaha Helsinki oo la kordhinayo

Tabbeelaha digniinta/wargelinta ganaaxa oo ku dheggan kadinka laga galo maxaddada Metrooga ee Bariga Helsinki

Shir ay isugu yimaadeen maamulka Gaadiidka dadweynaha ee soonaha Helsinki Talaadadii la soo dhaafay ee ku beegnayd 4.10.2022 ayaa waxaa lagu go’aamiyay, in lacagta ganaaxa ah ee laga qaado dadka tikid la’aan ku safra gaadiidka dadweynaha la kordhiyo.

Go’aankan lagu kordhinayo lacagta ganaaxa ah ayaa waxaa ka soo horjeesatay wakiilka Xisbiga Bidixda (Vasemmistoliitto) ku meteleysay shirka oo lagu magacaabo Elina Kauppila waxayna soo jeedisay in lacagta ganaaxa ah sideedii hore oo 80 € ahayd loo daayo. Si kastaba ha ahaatee, soojeedintaas lagama aqblin.

Elina ayaa aragtideeda ku aaddan in aanan lacagta la kordhin ku sheegtay, in kordhinta lacagta ganaaxu ay sii xummaynayso xaaladda dadka markoodii horaba ku noolaa xaalad nololeed adag.

Elina Kauppila waxay sheegtay, in dadka ugu badan ee uu ganaaxu ku dhaco ay yihiin ardayda, dadka shaqo la’aanta ah iyo kuwa hawlgabka ah.

Lacagta ganaaxa ah ee hadda laga qaado dadka gaadiidka dadweynaha raaca iyagoo tikid la’aan ah ayaa waxay ahayd in muddo ah 80 yuuro. Sida ku xusan go’aanka hadda soo baxay, waxaa ganaaxa laga dhigayaa 100 yuuro.

Wakhtiga cayiman ee ay tahay in ganaaxa lagu bixiyo oo horay u ahaa 7 maalmood ayaa isna isbeddel lagu sameeyay. Waxaa wakhtigan lacagta lagu bixinayo laga dhigayaa 30 maalmood.

HSL ayaa sidoo kale sheegtay, in dadka tikid la’aan ku safra gaadiidka dadweynaha ay si muuqata u kordheen xilligii safmarka Koronaha.

Warbixin laga soo jeediyay kulanka ayaa waxaa lagu sheegay, in dadka tikid la’aanta ku safra gaadiidkeeda HSL ay sannad kasta sababaan waxyeello dhaqaale oo dhan 15-25 malyan oo yuuro, taas oo soo gaarta HSL.

Go’aanka kama dambeysta ah ee lagu kordhinayo lacagta ganaaxa ayaa waxaa gaaraysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Finland.

Isha warka: Kansan uutiset