Xadaymaha jira oo la sii adkaynaayo bilowga toddobaadkan

Shirkii jaraa'id ee golaha wasiirrada 8.3/ Xuquuqda sawirka: Suomen Somali Media SSM

Dalka Finland waxaa uu toddobaadkaan geli doonaa xaalad aan caadi ahayn, dhibaatada feyruska korona ee jirta awgeed. Xaaladda  aan caadiga ahayn waxaa loola jeedaa in ugu horrayn maqaaxiyaha la xiri doono.

Xaaladda aan caadiga ahayn awgeed ayaa maqaaxiyaha waxaa ay xirnaan doonaan saddex toddobaad (8.-28.3). Sharcigan cusub  waxaa uu isniinta 8.3 horyaallay baarlamaanka, waana ay ansixiyeen, wuxuuna dhaqangeli donaa laga bilaabo maalinta berri ah ee Talaadada.

Waxaa la xiri doonaa maqaaxiyaha ku yaalla gobollada dalka ee ku jira heerka faafista iyo karaar qaadashada feyruska korona, taasoo macnaheedu yahay in ay tahay inta ugu badan ee dalka.  Gobollada xaaladoodu ay tahay midda hoose ee asaasiga ah, maqaaxiyaha ku yaalla waa ay furnaan doonaan. Waxaana gobolladaas ay kala yihiin: Keski-Pohjanmaa, Kainuu, Pohjois-Savo, Etelä-Savo iyo Pohjois-Karjala.

Maqaaxiyaha waxaa loo oggol yahay oo kaliya wixii cuntada hore loo qaadanaayo ama Take-away-ga ah.

Waxaa intaas dheer oo Jimcihii la soo dhaafay la mamnuucay qoob kaciyaarka iyo ka dhex heesidda maqaaxiyaha gudahooda, taasoo socon doonta illaa iyo bisha Juun.  Maqaaxiyaha waxaa kaloo lagu soo rogay in ay gudaha si wanaagsan u diyaariyaan, oo qof walba oo macaamiisha ka mid ah uu helo meel gaar ah oo uu fariisto.

8.-28 bisha Maarso ardayda dugsiga dhexe (fasallada 7-9-aad), dugsiga sare iyo macaahidda, waxaa ay u wareegi doonaan dhanka waxbarashada internetka, waxaana uu arrinkaan khuseeyaa gobollada ku jira heerarka faafista iyo karaarqaadashada ee cudurka safmarka ah. Go’aanka arrinkaan ku saabsan gobol kastaa si iskiis ah ayuu u gaari karaa. Ardayda dugisga hoose (1-6-aad) iyo kuwa xannaanada sidoodii caadiga ah ayay goobahooda waxbarashada ugu sii qaadan doonaan.

Waxaa sidoo kale la joojiyay dhammaanba howlihii hiwaayadaha kooxaha ee wixii ka weyn 12-sano.

Sida uu dhigaayo sharciga cudurrada faafa, waxaa la xirayaa goobaha gaarka ah ee ku yaalla meelaha uu cudurka maraayo heerka faafista, waxaana goobahaas ka mid ah agagaarka caasimadda ee Espoo, Helsinki, Kauniainen, Vantaa, Järvenpää, Kirkkonummi, Sipoo iyo Tuusula.  Inkasta oo ismaandhaaf xagga fasirka ah uu ka jiro arrinkaan oo maamul-goboleedka koonfurta ee AVI ay sheegeen in goobaha gaarka ah aan la wada xiraynin , haddii 10 qof tiro aan ka badnayn ay mrkiiba joogi karaan, hadana dowladdu waxaa ay doonaysaa in ay soo saarto sharci cusub oo arrinkaas wax ka beddelaaya, si dhammanba goobahaas loo xiro. Sharcigaas wali lama oga xilliga uu soo baxaayo.

Iskudarka guud illaa iyo toddobo waax caafimaad oo dalkaan Finland kamid ah, ayaa haatan ku jira heerka aadka u xun ee faafista feyruska korona , waxaana ay kala yihiin: Helsinki iyo Uusimaa, Varsinais-Suomi, Satakunta, Kanta-Häme, Vaasa, Ahvenmaa iyo Lappi.

Goobahaas waxaa loo soo jeediyay in ay si buuxda u qaataan oo ku dhaqmaan arrimaha soo socda:

  • Shaqada oo dhanka intenetnetka laga wado (si aad u ballaaran) iyo afshareerka oo la qaato
  • Dadka u nugul halista cudurrada oo la badbaadiyo
  • Dugisyada dhexe, sare iyo macaahidda sare oo waxbarshada dhanka internetka laga dhigo
  • Isticmaalka goobaha guud ee la isugu yimaado oo la xadeeyo ama gabi ahaanba la xiro
  • Hiwaayadaha kooxha dadka waawayn oo la joojiyo ( wixii 12-sano ka weyn)
  • Sida ugu suurtaggalsan in la xadido tirada dadka raacaaya gaadiidka kala duwan ee dadka qaada.
  • Isuimaatinka goobaha guud iyo kuwa gaarka ah oo lagu xadeeyay lix qof.

Xaaladda faafista feyruska korona ee dalkaan Finland oo si aad uga soo daraysa, ayaa waxaa dhici karta in xadaymo hor leh oo ka sii adag kuwa hadda jira in ay soo baxaan, iyadoo dowladduna ay haatan ku guda jirto diyaarinta arrimahaas. Waxaana ugu adag waxyaabaha la filaayo in ay soo baxaan bandowga xagga dhaqdhaqaaqa dadka lagu xadidaayo oo dowladdu ay sheegtay in ay diyaarinta arrinkaas ku jirto, laakiin aanay caddayn xilliga la so rogi doono iyo waliba qaabka uu noqon doono.

Xigasho: Helsingin Sanomat