Lacagta lagu ganaaxo dadka tikid la’aan ku safra gaadiidka hoos yimaada HSL oo la kordhinayo

Bas laamiga maraya- Abdi Musse SSMV

Wasaaradda gaadiidka iyo isgaarsiinta Finland ayaa sheegtay in laga billaabo 1.1.2024 ay lacagta lagu ganaaxo dadka lagu qabto iyagoo tikid la’aan ku safraya gaadiidkooda noqonayso 100 yuuro, halka ay hadda ka tahay 80 yuuro.

Wasaaradda gaadiidka iyo isgaarsiinta Finland ayaa beddeshay qaanuunki hore ee cadadda lacageed ee ganaaxa ka dasha, marka qof lagu qabto isagoo tikid la’aan saaran gaadiidka dadweynaha. Wax ka beddelista qaanuunka ayaa dhaqangeleysa 1.1.2024.

Hadafka laga leeyahay kharashka baaritaanka (ganaaxa) ayaa ah yareynta tirada dadka tikid la’aan gaadiidka dadweynaha ku safra.

Gaadiidka dadweynaha ee Soonaha caasimadda Helsinki waxaa qayb ka ah degmooyinka kala ah Espoo, Helsinki, Kauniainen, Kerava, Kirkkonummi, Sipoo, Siuntio, Tuusula iyo Vantaa.

Isha warka: Wasaarad