Labo nin oo loo xiray rasaas ka dhacday Pansio, Turku iyo dad ku dhaawacmay rasaastaas

Turku 22.7.2020- Maxkamadda Varsinais-Suomi (Koonfurta Galbeed ee Finland) ayaa maanta oo Arbaco ah xirtay laba nin, kuwaas oo qayb ka ahaa is-rasaasayn dhammaadkii todobaadki (Axaddi) la soo dhaafay ka dhacday Pansio, Turku.

Booliska ayaa waxay hawlgal ku tageen saqdii dhexe ee Axaddii la soo dhaafay maqaayad ku taal Pansio, Turku, kaddib markii halkaas la isku rasaaseeyay. Is-rasaasayntaas ayeey isla habeenkaas u qabteen boolisku lix nin, inkastoo markii dambe afar kamid ah lixdaas nin la sii daayay.

Xabadihii halkaas ka dhacay ayaa waxaa ku dhaawacantay labo nin. Wararka laga helayo saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in labadii dhaawacantay mid kamid ah oo qaba dhaawacyo daran weli lagu hayo isbitaalka,  halka kii kalana isbitaalka laga saaray.

Booliska ayaa diiday in uu ka hadlo sababta rasaastan la isugu riday, laakiin waxay sheegeen in falkan dhacay ay u baarayaan sidii iskudday dil, jirdil daran iyo weliba ku boorin iskudday dil iyo jirdil daran.

Dhacdadan ayaa ah mid aad looga hadal-hayo magaalada Turku, caasimaddii hore ee Finland.

Isha warka: Yle