Kulanka Masaajidda Uusimaa ee Finland ee bisha Ramadaan oo maanta la qabtay iyo go’aanno laga soo saaray

Helsinki- Waxaa maanta oo ku beeggan 31.3.2022 kulan isugu yimid maamullada masaajidda ku yaal magaalooyinka Helsinki, Espoo iyo Vantaa intooda badan, waxayna kulankaas diiradda ku saareen u diyaar-garowga bisha barakaysan ee Ramadaan ee foodda nagu soo heysa.

Falanqayn dheer kaddib, waxaa kulanka ka soo baxay go’aanadan hoos ku qoran:

  1. In dhalashada bisha Ramaadn iyo dhalashada bisha Shawaal lala qaato Magaalada Barakaysan ee Makka ee uu Xaramu-Shariifku ku yaal, taasina waxay meesha ka saaraysaa in Falagga ama cilmiga xiddigiska lagu soomo laguna afuro.
  2. Waqtiga afurka waxaa uu noqonayaa xilliga salaadda makhrib laga tukanayo dalkaan Finland ee ay qorraxdu dhacdo, haba dheeraadaan saacadaha la soomayee
  3. In Sakaatul-Fitriga lacag ahaan ay noqoto 8 yuuro
  4. In wakhtiga Salaadda Subax iyo Suxuurta ama af-xirasho uu yahay kan ku qoran Jadwalka salaadaha ee ay horay masaajiddu isugu raaceen
  5. In 20:ka maalmood ee ugu horreysa bisha Abriil oo ah xilliga ugu adag salaadda Cishaha lagu tukado wakhtigeeda ama ciddii aan awoodin ay isku darto salaadda Maqribka iyo Cishaha. Taasina waxay ka dhigtay in arrinkan loo gacan-banneeyo masaajidda oo ay sidii ugu macquulsan ay u maareeyaan iyadoo jadwalka Salaadaha ee mideysan la ilaalinayo.

Ugu dambeyntii Shiikh Cabdirisaaq Sugulle oo warbaahinta u akhriyay go’aannada ka soo baxay masaajidda ayaa dadka Muslimiinta ah ee dalkan ku dhaqan kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimadooda diiniga ah, masaajidda deegaankana warkooda la maqlo, sababtoo ah marka la joogo wadamada ay Muslimiintu ku yar yihiin masaajiddu waxay u dhigmaan sida dowladaha Islaamiga ah oo kale.

Sidoo kale wuxuu Shiikhu ku taliyay in lagu dhaqmo waxyaabaha masaajidda ka soo baxa, wixi fatwooyin ahna masaajidda maxalliga ah looga dambeeyo.