Finland waxaa laga helay maanta 299 xaaladood oo feyruska korona ah iyo 11 dhimasho ah

Talaada 05.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 299 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 37 218 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 53 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 162 qof, gobolka Varsinais-Suomi oo 47 qof ah, iyo Gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo 17 qof ah iyo Gobolka Keski-Suomi oo 12 qof laga helay.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 76 qof, Espoo: 36 qof, Turku: 28 qof, Vantaa: 27 qof, Oulu:15 qof, Kouvola: 11 qof, Jyväskylä: 10 qof, Salo: 8 qof, Tampere: 8 qof, Kuopio: 5 qof, Porvoo: 4 qof, Vihti: 4 qof, Lahti: 4 qof, Hämeenlinna: 4 qof, Seinäjoki: 4 qof, Lieto: 3 qof, Kerava: 3 qof, Kirkkonummi: 3 qof, Pietarsaari: 3 qof, Kotka: 3 qof, Rovaniemi: 3 qof, Tuusula: 2 qof, Parainen: 2 qof, Uusikaupunki: 2 qof, Pori: 2 qof, iyo magaalooyinka soo haray oo min hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 188 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 25 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 576 qof, kaddib markii ay maanta hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga sheegtay dhimashada 11 qof oo hor leh.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi, Ahvenanmaa, Pieksämäki iyo laba degmo oo ka tirsan Pohjanmaa oo kala ah: Korsnäs, Mustasaari.

Heerka karaar qaadashada Satakunta, Etelä-Savo (pl. Pieksämäki), Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Keski-Pohjanmaa, Etelä-Karjala iyo Pohjois-Karjala.

Heerka hoose: Itä-Savo, Lappi, Pohjois-Savo iyo Kainuu.

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

27 346 736    86 195 878
      588 747      1 863 090

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 22,3 milyan 1 90 165   1 987 362 123
2 Hindiya 10,4 milyan    16 278       200 149 886
3 Baraaziil 7,75 milyan    20 814       573 196 591
4 Ruushka 3,26 milyan    23 351       482    58 988
5 Ingiriiska 2,71 milyan    58 784       407    75 431
6 Faransiiska 2,66 milyan      4 022       378    65 415
7 Turkiga 2,25 milyan    13 695       197    21 685
8 Talyaaniga 2,16 milyan    10 800       348    75 680
9 Isbeyn 1,95 milyan      9 043         61    51 078
10 Jarmalka 1,79 milyan    12 056       877    35 982
11 Kolombiya 1,68 milyan    10 311       222    44 187
12 Arjantiin 1,65 milyan       8 222       152    43 634
13 Meksiko 1,45 milyan       5 211       362  127 213
14 Poland 1,32 milyan       4 404         42    29 161
15 Iiraan 1,25 milyan       6 073       110    55 650
16 K/Afrika 1,11milyan     12 601       434    30 011
17 Ukriane 1,08 milyan       4 158         73    18 927
18 Peru 1,02 milyan       1 583         43    37 873

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS