Finland waxaa laga helay maanta 217 xaaladood oo feyruska korona iyo 12 xaaladood o dhiamsho ah

Talaada 19.01.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 217 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 40 722 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 81 qof, gobolka Varsinais-suomi  oo laga helay 40 qof,  iyo gobolka Pohjois-Pohjanmaa oo laga helay 22 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 28 qof, Espoo: 24 qof, Vantaa: 20 qof ,Oulu: 17 qof, Laitila: 16 qof, Turku: 15 qof, Seinäjoki: 14 qof, Vaasa: 9 qof, Tampere: 7 qof, Kouvola: 4 qof, Kajaani: 4 qof, Lahti: 3 qof, iyo magaalooyinka kala ah: Pori, Hämeenlinna, Kaustinen, Kaarina, Tuusula, Kotka, Kempele, Kirkkonummi, Petäjävesi, Uusikaupunki, iyo Valkeakoski oo min 2 qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 141 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 24 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 633 qof, kaddib markii ay maanta sheegtay hay’adda THL 12 xaalaood oo dhimasho hor leh dalkaan Finland.

Xaaladda cudurka safmarka ah ee heerka faafista: HUS, Päijät-Häme, Pohjois-Pohjanmaa, Kymenlaakso, Kanta-Häme, Varsinais-Suomi. Heerka karaar qaadashada Etelä-Savo, Keski-Suomi, Länsi-Pohja, Pirkanmaa, Etelä-Pohjanmaa, Etelä-Karjala, Pohjois-Karjala, Ahvenanmaa, Kainuu iyo Vaasa (marka laga reebo Korsnäs, Mustasaari, Pietarsaari iyo Maalahti, oo iyagu ku jira heerka faafista). Heerka hoose: Satakunta, Keski-Pohjanmaa, Itä-Savo, Pohjois-Savo iyo Lappi.

 Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 30 865 225    96 070 755
       664 704       2 051 319

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 24,6 milyan  142 084     1 425  408 623
2 Hindiya 10,6 milyan      9 975        137  152 593
3 Baraaziil 8,51 milyan    24 139        460  210 328
4 Ruushka 3,59 milyan    22 857        471    66 037
5 Ingiriiska 3,43 milyan    37 535        599    89 860
6 Faransiiska 2,91 milyan      3 376        403    70 686
7 Turkiga 2,392 milyan       5 862        164    24 161
8 Talyaaniga 2,390 milyan       8 824        377    82 554
9 Isbeyn 2,33 milyan     33 800        151    53 769
10 Jarmalka 2,06 milyan       8 390        665    48 105
11 Kolombiya 1,92 milyan     14 719        373    49 004
12 Arjantiin 1,81 milyan        8 185        425    45 832
13 Meksiko 1,64 milyan      11 170        463  140 704
14 Poland 1,44 milyan         3 326          52    33 407
15 K/afrika 1,34 milyan         9 010        344    37 449
16 Iiraan 1,33 milyan         5 806          83    56 886
17 Ukriane 1,16milyan         3 034          67    20 869
18 Peru 1,07 milyan         3 893          60    38 931

 Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS